Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u qeexay mowqifkiisa ku aaddanaa tartankii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, isaga oo taageero cad ah ku garab istaagay musharraxii Dowladda Jabuuti. Taasi waxay Nairobi u dirtay fariin siyaasadeed oo culus, maadaama Kenya ay si weyn ugu ololeynaysay musharraxeeda si ay u hesho saameyn diblomaasiyadeed oo ballaaran oo heer qaaradeed ah. Dowladda Madaxweyne William Ruto waxay arrintaasi waxay u aragtay in Soomaaliya aysan garab istaagin xilli Kenya u baahnayd taageerada deriskeeda ugu dhow ee dhinaca amniga iyo iskaashiga gobolka.
Xiisaddaasi kuma ekaan oo keliya heer diblomaasiyadeed. balse waxay si toos ah ugu gudubtay dhinacyada amniga iyo iskaashiga militari. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay tirada ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka xasilinta Soomaaliya, arrintaas oo Nairobi u aragtay tallaabo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday doorkeeda gudaha Soomaaliya. Kenya waxay muddo dheer ahayd laf-dhabarta howlgalada amniga ee Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland iyo deegaannada xuduudda ku dhow, halkaas oo ay dano amni iyo kuwo istaraatiiji ah ka leedahay.
Hoos u dhigidda ciidamada Kenya waxay dhalisay dareen siyaasadeed oo cusub, waxaana billowday qabow diblomaasiyadeed oo aan si rasmi ah loo shaacin, balse si hoose uga muuqday dhaq-dhaqaaqyada labada dowladood. Waxaa yaraaday kulamadii joogtada ahaa ee madaxda, safarradii diblomaasiyadeed, iyo wada-hadalladii heer sare ahaa ee horey loogu yaqaanay labada dowladood.
Sidoo kale, arrimaha Jubbaland ayaa noqday goobta ugu weyn ee laga dareemay isbeddelka xiriirka labada dhinac. Kenya waxay markale bilowday inay si dhow ula socoto una xoojiso xiriirrada ay la leedahay maamulka Jubbaland, si ay u ilaaliso danaha amni iyo siyaasadeed ee xuduuddeeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda waxay dadaal ugu jirtay in awoodda dhexe lagu xoojiyo maamulka gobolka, taasoo mararka qaar si dadban uga hor timid danaha Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si toos ah uga gaabsaday inuu dalka Kenya uga qeyb-galo shirar waaweyn oo caalami ah, kuwaas oo uu ugu dambeeyay shirkii Afrika iyo Faransiiska. Tallaabadaasi waxay bannaanka keentay loollanka siyaasadeed iyo fariimaha dahsoon ee labada dowladood si hoose isku dhaafsanayaan.
Sidoo kale, tan iyo sanadka 2025-ka, Madaxweyne Xasan wuxuu dalka Kenya tagay hal mar oo keliya, taas oo ahayd munaasabaddii aaska Ra’iisul Wasaarihii hore. waxay si weyn u cadeenaysaa khilaafaadka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Muqdisho iyo Nairobi, marka loo eego xiriirkii dhowaa ee labada hoggaamiye ay lahaayeen bilowgii xukunkooda
Dhinaca kale, khilaafka iyo kala aragti duwanaantaasi ay jireen, labada dowladood weli waxay si qoto dheer ugu xiran yihiin arrimo amni, ganacsi iyo istaraatiijiyad gobolka ah. Kenya waxay Soomaaliya uga baahan tahay xasillooni si ay uga hortagto khatarta Al-Shabaab iyo qulqulka amni darrada xuduudaha, halka Soomaaliya ay Kenya uga baahan tahay marin ganacsi, taageero diblomaasiyadeed iyo iskaashi amni.
Xaaladda hadda jirta waxay bidhaaminaysaa in xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu galay marxalad cusub oo isku dhafan tartan siyaasadeed, dano amni iyo diblomaasiyad taxaddar leh. Waxaase muuqata in labada dhinac ay weli ka fogaanayaan isku dhac furan, iyagoo doorbidaya in khilaafaadka lagu maareeyo waddooyin diblomaasiyadeed oo hoose iyo xisaab istaraaji ah oo muddo dheer ah.
Abdirashid Nur, Wariye madax-bannaan iyo Khabiir Isgaarsiineed.

