Waxaa si toos looguda galay dhacdada kubadeed ee ugu weyn dunida koobka aduunka, balse waxaa maanta ka hadal heyn badan wajiga lugu xasuuso doonana noqday garsoore Cumar cartan garsooraha somaligaa ee heerka caalami ee hadda isku diyaarinaya garsoorihii ugu horeeyay ee African ah ee dhex dhexaadiya final ka super cup ka qaaradda Yurub.
Koobka aduunka waa tartan ay FIFA qabanqaabiso afartii sanaba mar, wuxuuna si rasmi ah u bilaawday sanadkii 1930-kii markaas too lugu qabtay dallka Uruguay ee dhaca qaaradda Koofur America.
Tartankii ugu horeeyay ee koobka aduunka ee dhacay 1930-kii majirin wax ciyaaro isreeb reeb ah dhamaan wadamada ka qeyb galay waxaa loo casuumay si toos ah dalal badan oo Yurub dhaca ayaana diideen in ay ka qeyb galaan safar dheer ee badda ah darteed koobka maanta hardanka adag loogalo mar ayuu ahaa mid la iska diido.
Koobkii ugu horeeyay waxaa ku guuleystay isla dalkii martigalinayay Uruguay asagoona dallka dariiskiisa ah Argentina ku garaacay 4-2.
Tan iyo markii la aas aasay koobka kaliya Laba keer ayaa la baajiyay koobka waana sanadihii 1942 iyo 1946-dii sababo la xariira dagaalkii labaad ee aduunka.
Koobkii aduunka ee sanadii 2002-dii wuxuu ahaa koobkii ugu horeeyay ee laba dal si rasmi ah u martigaliyaan kuwaas oo kala ahaa Japan iyo kuuriyada koofureed.
Koobka aduunka ee 2026 waxaa martigalinayay ilaa sadax wadan oo kala ah Canada Mexico iyo USA, dallka Mexico ilaa sadax mar ayuu martigaliyaa waana dallka ugu badan ee koob aduun martigaliyay, ken Aston oo u dhashay dallka England ayaa ah ninka alifay kaarka jaalaha iyo midka gaduudan kadib markii arkay nalalka taraafikada ee wadooyinka, Koobkii aduunka ee 1970-kii ayaa nidaamkaan markii ugu horeysay la adeegsaday si looga fogaado dhibaatada luuqadeed ee dhex Marta garsoorayaasha iyo ciyaartoyda.
Kararka cas ee la bixiyay midka ugu caansan waa kaarkii casaa ee ciyaarta looga saaray Z. Zidane sanadii ciyaartii final ka ee 2006-dii markaasoo teesto ama madax uu shafka uga dhiftay difaacii talyaaniga ee Marco materazzi.
Xulka Qaranka ee dallka Brazil waa xulka ugu bada ee qaatay kaarka gaduudan ilaa 11- kaar ayaana lasiiyay ciyaartoyda soo matashay Brazil laakin waa xulka ugu guulaha badan koobka aduunka wuxuuna ku guuleystay ilaa iyo shan jeer.
Marka la eego taariiqda koobka aduunka waxaa jira laba koob oo kala duwan midka kobaad waxaa loogu yeeraa Jules Rimet oo Brazil si rasmi u qaaday 1970-kii kadib markii ay Sadax jeer oo xariir ah ku guuleystay koobka hadda la isticmaalo waxaa la naqshadeeyay 1974-tii mana jiri doono dal si rasmi ah u lahaan doona Markale xitaa hadii uu dhowr jeer ku guuleysto.
Waxaa mar dhacday in la xado koobka aduunka gaar ahaan inta aan la mudeyn furitaankii koobka aduunkii we lugu qabtay England sanadii 1966-dii waxaa markaas koobkii aduunka ee dahabka ahaa lagu xaday goob lugu soo bandhigayay ee ku taal bartamaha Magaalada London ciidanka police ka iyo sirdoonka waa ku guuldareysteen in ay soo helaan balse markii dambe waxaa soo helay ey, koobka uu eyga ka heli jiray wadada dhinaceeda maanta malaayiin Ayaa ku taameysa in ay mar uun taabtaan ama qaadaan.
Koobkii aduunka ee 1930-kii waxaa markaasi ka qeyb galeen kaliya 13 xul sanadkii 1982-dii waxaa tirada xulalka la gaarsiyay ilaa 24 sanadkii 1998 waxa laga dhigay 32 koobka aduunka ee 2026-da ee haatan socdana waxaa ka qeyb galeysa 48-xul.
Qaaradda Africa waxaa sanadkaan koobka aduunka uga qeyb galaya ilaa 10 dal waana tiradii ugu badneed ee matasha qaaradda.
Kaliya 8- dal ayaa ku guuleystay koobka aduunka tan iyo marki la bilaabay 1930-kii waxa ayna kala yihiin:-
Brazil
Germany
Italia
France
Argentina
Spain
England
Uruguay
Laakin majiro tababare ajinabi ah oo ku guuleystay koobka aduunka dhamaan 12-kii tartan ee la qabtay dal walba oo koobka aduunka ku guuleystay waxaa tababare u ahaa Qof u dhashay Dalkaas, tababaraha ugu guulaha badan koobka aduunka waa Vittorio Pozzo oo u dhashay dallka talyaaniga waa tababaraha kaliya ee ku guuleystay laba koob oo xariir ah, Marka ciyaartoyda la eegana halyaygii Reer Brazil ee Pele ayaa ku guuleystay sadax jeer, dhanka kale pele waa ciyaaryahanka ugu da’da yar ee gool ka dhaliya koobka aduunka wuxuu goolkiisi ugu horeeyay dhaliyay sanadii 1958-dii isagoo jira 17-sano 239-maalmood Marka pele laga tago ciyaaryahanka kale ee koobkaan saameynta ku leh wa Diego Maradona
Maradona sanadii 1994-tii ayaa Laga saaray koobka aduunka kadib markii jirkiisa laga helay wax ka mamnuuc ah ciyaartoyda waxeyna tani si weyn u niyad jabisay taageerayaasha caalamk, L.messi waa ciyaaryahanka ugu bada ee koobkan saftay kulamada ugu badan wuxuuna saftay ilaa 26-kulan C.Ronaldo oo sanadkaan Indhaha caalamku hayaana waa ciyaaryahanka kaliya ee golal ka dhaliyay shan koob aduun ee kala duwan.
Waxaa Qoray: Diplomacy & Sports fan Awil Suudi.

