Ganacsatada Soomaaliyeed oo raadinaya marinno cusub ka dib xiisada Badacas.

Share

Ganacsatada Soomaaliya ayaa bilaabay inay raadiyaan marinno kale oo maraakiibta ah, kaddib markii xiisadaha amni ee ka jira Bab al-Mandab iyo Marinka Hormuz ay saameyn ku yeesheen isu-socodka badeecadaha iyo ganacsiga gobolka.

Shirkadaha Soomaaliyeed ayaa caadiyan badeecooyinka uga soo dhoofsada Aasiya iyagoo sii mara dalalka Khaliijka sida Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Sacuudi Carabiya. Hase yeeshee, xiisadaha sii kordhaya ayaa qaar ka mid ah ganacsatada ku qasbay inay raadiyaan marinno toos ah oo ka ammaan badan.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Bab al-Mandab iyo Hormuz ay si weyn u saameysay ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana dekeddu ay kala shaqeyneyso shirkadaha sidii loo heli lahaa marinno kale.

“Markii ugu horreysay, waxaan si toos ah uga keenay Sri Lanka markab siday sonkor,” ayuu yiri Maxamed Cali, isaga oo sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay dadaallada looga hortagayo carqaladaha ka dhashay xiisadaha gobolka.

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay ganacsiga badda, waxaana Dekedda Muqdisho maalin kasta soo gaara maraakiib sida raashinka iyo badeecooyinka kale ee muhiimka ah. Sidaas darteed, isbeddel kasta oo ku yimaada marinada maraakiibta wuxuu saameyn ku yeelan karaa qiimaha badeecooyinka gudaha, maadaama safarro dhaadheer iyo marinno kale ay kordhin karaan kharashaadka gaadiidka iyo dib-u-dhacyada.

Kabtan Cali Jemdi, oo ka shaqeeya daabulka xamuulka sonkorta, ayaa sheegay in hubanti la’aanta amni ee gobolka ay walaac ku abuurtay shirkadaha maraakiibta iyo ganacsatada isticmaala marinno muhiim ah oo isku xira Aasiya, Khaliijka iyo Bariga Afrika.

Xiisadaha ka jira Yemen, Bab al-Mandab iyo Hormuz ayaa sidaas darteed ku qasbaya ganacsatada Soomaaliyeed inay dib u eegaan khadadka sahayda, iyadoo laga cabsi qabo in colaadaha gobolka ay sii saameeyaan ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha.

Read more

More To Read