Talo ku Socota Hoggaamiyaha Galmudug.

Share

Sida aynu hore u soo wada aragnay, qofka ay Villa Soomaaliya taageerto ayaa inta badan hoggaamiya maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Sidaas darteed, waxaan kuu sii hambalyeynayaa guushaada, anigoo sidoo kalena kuu gudbinaya talooyin aan u arko inay muhiim yihiin.

Waxaad nasiib u yeelatay inaad hoggaamiso maamul kasoo gudbay marxalado adag oo kala duwan, kuwaas oo ay ugu horreyso adkeynta midnimada iyo dowlad-dhiska. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) wuxuu mudan yahay mahadnaq kaalintii uu ka qaatay halka ay maanta taagan tahay Galmudug. Maanta Galmudug waxay joogtaa heer u baahan horumar degdeg ah, karti hoggaamineed iyo go’aanno adag oo lagu sii ambaqaadayo guulaha la gaaray.

Waxaa jira dad badan oo kula soo ol’oleeyay, kula soo shaqeeyay, kuna garab istaagay muddadii aad xil-doonka ahayd. Qaar waxay kugula jiraan mabda’, qaarna dano dhaqaale, halka kuwo kalena ay yihiin xil-sugayaal. Hase yeeshee, maanta waxaad u baahan tahay inaad qaadato dariiqii uu qaatay hoggaamiyihii Singapore gaarsiiyay horumarka weyn, kana soo saaray waddan sabool ah oo ka mid noqday kuwa ugu horreeya dunida.

Lee Kuan Yew wuxuu ku dhaqmay mabda’ ku dhisnaa “Pragmatism over Ideology”, taas oo macnaheedu yahay inaan dadka lagu xulan cidda ugu daacadsan oo keliya, balse lagu xusho cidda leh wax-qabad, karti iyo aqoon. Horumarka iyo natiijooyinka la taaban karo ayaa go’aamiya guusha siyaasadeed, halka mabda’ keliya uusan ku filnayn horumarinta bulshada.

Waxaad kala dooran doontaa laba nooc oo dad ah: kuwa albaabkaaga ku soo buuxsami doona iyagoo raadinaya xilal iyo dano gaar ah, iyo kuwa ka xishoonaya inay ku soo dhowaadaan, balse leh karti, aqoon iyo aragti wax ku soo kordhin karta maamulkaaga. Kuwa dambe waa kuwa ay tahay inaad raadiso oo aad ka faa’iidaysato.

Dadka siyaasiyan ama dhaqaale ahaan guuleysta ma aha kuwa wax kasta kaligood yaqaan, balse waa kuwa ku guuleysta inay xushaan dadka saxda ah ee ka caawin kara inay gaaraan himilooyinkooda iyo guusha ay doonayaan.

Galmudug waxay maanta u baahan tahay:

  1. In la adkeeyo midnimada dadka walaalaha ah ee wada dega deegaannada Galmudug, isla markaana dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha walaalaha ah ee colaaduhu kala dhex mareen.
  2. In qofkii qof dila si degdeg ah sharciga loo horkeeno, lana fuliyo xukunkiisa haddii lagu helo dambiga, iyadoo aan odayaal ama cid kale lagu faragelin kiiska dilka.
  3. In miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada si weyn loo kordhiyo, lagana dhigo wasaaradda ugu mudnaanta badan maamulka Galmudug.
  4. In la dardargeliyo dib u xoraynta deegaannada weli ka maqan gacanta dowladda.
  5. In dib loo nooleeyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha.

Waxaan aaminsanahay in haddii qodobadan mid kasta wax laga qabto, Galmudug ay muddo kooban gudaheed gaari karto heer wanaagsan, isla markaana ay tusaale wanaagsan u noqon karto maamullada kale ee dalka.

Soomaaliya guud ahaan maanta waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal daacad ah, aan dano gaar ah iyo hanti urursi u joogin xilka, kuwaas oo dalka ka gudbin kara isgoyska adag ee uu muddada dheer ku jiray.

Ilaahay ha kuu fududeeyo mas’uuliyadda, hana kugu asturo xilka laguu igmaday.

 

W/Q: Said Dirie.

Read more

More To Read