Xukumadda oo war ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Laftagareen.

Share

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukumadda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku saabsan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo halkaasi ka jira ka dib go’aankii maamulku ku hakiyay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Faderaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay ka shaqeynayso sidii loo xakameyn lahaa xiisadaha, loona ilaalin lahaa xasilloonida guud ee dalka.

Xukumadda ayaa bogaadisay doorka shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka iyo dowladnimada, iyadoo xustay in maamulkaasi uu qeyb muhiim ah ka qaatay hannaanka dib u eegista dastuurka iyo dadaallada dimuqraadiyeynta ee dalka ka socda.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa si cad u beenisay in ay wax lug ah ku leedahay xasillooni darrada ka jirta qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed, waxayna sheegtay inay waddo dadaallo lagu joojinayo colaadaha, isla markaana lagu dhiirrigelinayo wadahadal si xal waara loo gaaro.

Wasaaradda ayaa sidoo kale cambaareysay go’aan ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu sheegay in la hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay DFS. Dowladda federaalka ayaa ku adkeysatay in hay’adaheeda ay weli gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannadaasi iyo shacabka ku nool.

Intaa waxaa dheer, DFS ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed in uu sii wado ka qeyb qaadashada geeddi-socodka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta heerarka kala duwan ee dowladda.

Dowladda federaalka ayaa ugu baaqday bulshada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed in ay ka fogaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo nabadda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo badqabka shacabka.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo la xiriirta dib u habeynta nidaamka dowladeed iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, taasoo ka dhigeysa in indhaha lagu hayo sida ay xaaladdu u wajahdo maalmaha soo socda.

Read more

More To Read