Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro dalka Turkiga si uu uga qeyb galo Antalya Diplomacy Forum 2026, oo ka dhici doona magaalada Antalya inta u dhexeysa 17 ilaa 19 April 2026.
Shirkan oo ah mid caalami ah oo sanad walba la qabto, ayaa sanadkan lagu qabanayaa hal-ku-dhigga “Mapping Tomorrow, Managing Uncertainties”, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha isa soo taraya ee dunida ka jira, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo isbeddellada siyaasadeed ee caalamka. Madashan ayaa noqotay goob muhiim ah oo ay ku kulmaan hoggaamiyeyaasha dalalka, si ay uga doodaan arrimaha ugu waaweyn ee saameeya xiriirka caalamiga ah.
Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in shirkan ay ka qeyb geli doonaan wufuud ka kala socota in ka badan 150 dal, oo ay ku jiraan madax dowladeed, wasiirro, iyo saraakiil sare oo ka socda hay’adaha caalamiga ah. In ka badan 20 madaxweyne, 15 hoggaamiye ku-xigeenno ah, iyo in ka badan 50 wasiirro arrimo dibadeed ayaa la filayaa inay madasha ka hadlaan, taas oo muujineysa heerka sare ee ka qeybgalka sanadkan.
Sidoo kale, tirada guud ee ka qeybgalayaasha ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 460 masuul oo heer sare ah, halka ku dhowaad 75 wakiil oo ka socda ururo caalami ah iyo ilaa 5,000 oo marti ah ay goob joog ka noqon doonaan doodaha iyo kulamada kala duwan ee lagu qaban doono shirka.
Tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 2021, Antalya Diplomacy Forum ayaa si tartiib tartiib ah u noqday madal muhiim ah oo lagu xoojiyo wadahadalka, iskaashiga, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamka. Dowladda Turkiga ayaa dadaal badan ku bixisay sidii ay shirkaas uga dhigi lahayd mid kaalin muuqata ka qaata dejinta ajendaha caalamiga ah.
Ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee shirka ayaa la filayaa inuu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana uu fursad u siiyo Soomaaliya inay codkeeda ka dhiibato arrimaha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, iyo iskaashiga caalamiga ah. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale ee ka qeyb galeysa shirka, si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah iyo kan heer caalami.
Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirkeeda caalamiga ah iyo ka qeybgalka madalaha waaweyn ee diblomaasiyadda, si ay uga faa’iideysato fursadaha iskaashi ee ka jira dunida maanta.

