Maxkamad milatari oo ku taal dalka Uganda ayaa dacwad ku soo oogtay, isla markaana xabsiga ku sii haynaysa saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidanka Uganda People’s Defence Forces kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen luminta diyaarad milatari oo ka hawlgeli jirtay Soomaaliya.
Maxkamadda Guud ee Ciidamada (General Court Martial) oo ku fadhida Makindye ee magaalada Kampala ayaa Talaadadii ku soo oogtay Col. George Buga Andruca, Maj. Benjamin Kashumbusha, iyo Lt. Henry Gygenda hal dacwad oo la xiriirta falal khaldan oo sababay luminta diyaaradda. Saddexduba waxay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.
Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, saraakiishan waxay hore uga tirsanaayeen cutubka duulista ee UPDF Aviation III Unit oo ka howlgalayay gudaha Somalia, gaar ahaan saldhigga cirka ee Baledogle Military Airfield oo hoos taga howlgalka African Union Transition Mission in Somalia. Andruca wuxuu ahaa taliyaha cutubka, Kashumbusha wuxuu ahaa sarkaalka howlgalka, halka Gygenda uu ahaa injineerka diyaaradaha.
Guddi garsoorayaal ah oo uu hoggaaminayo Col. Frederick Kangwamu, isla markaana ay xubno ka yihiin Col. Nasser Drago Igambi iyo Maj. Abubaker Nyombi, ayaa amar ku bixiyay in eedeysanayaasha lagu hayo xabsiga militariga ee Makindye ilaa 4-ta Abriil 2026, markaas oo mar kale maxkamadda la horgeyn doono.
Dacwad-oogayaasha Capt. Alex Mukhana iyo Lt. Anthony Phillip Olupot ayaa maxkamadda u sheegay in baaritaannadu weli socdaan, iyagoo codsaday in dib loo dhigo dacwadda, codsigaasna waa la aqbalay.
Diyaaradaha milatariga ee Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara qaadista ciidamada, daad-gureynta dhaawacyada, iyo gaarsiinta sahayda meelaha ay khatarta ka jirto sida qaraxyada waddooyinka iyo weerarrada kooxaha hubeysan.
Uganda waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee ciidamo ku bixiya howlgalada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro kooxda al-Shabab iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

