Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu dhamaan karo wax yar kadib doorashada dhexe ee Mareykanka ee bisha November, isagoo sheegay in Tehran aysan awood u lahayn inay muddo dheer sii waddo dagaalka.
Trump ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in Iran ay wajahday cadaadis xooggan, isla markaana aysan hadda awood u lahayn inay dagaalka sii waddo muddo dheer. Wuxuu sheegay in xaaladdu ay u badan tahay inay isbeddesho marka la gaaro doorashada dhexe, inkastoo uusan sheegin qorshe cad ama heshiis uu ku saleynayo saadaashiisa.
“Waxaan u maleynayaa in dagaalku dhammaan doono wax yar kadib doorashada, sababtoo ah iyagu, oo uu ula jeedo Iran, muddo dheer ma sii adkeysan karaan,” ayuu yiri Trump.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Trump uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya oo gudaha xisbiga Jamhuuriga ah, gaar ahaan taageerayaasha ka walaacsan kharashka iyo saameynta dagaalka Iran.
Trump ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dagaalka ee qiimaha shidaalka, isagoo sheegay inay u badan tahay in qiimaha shidaalku uusan hoos u dhicin ilaa waqtiga doorashada dhexe. Kororka qiimaha shidaalka ayaa walaac ku haya maamulka, maadaama uu si toos ah u saameyn karo kharashaadka gaadiidka iyo nolosha dadka Mareykanka.
Hadallada Trump ayaa yimid xilli uu isku diyaarinayay shirkii ugu horreeyay ee xisbiga Jamhuuriga ee doorashada dhexe, kaas oo ka dhacay Texas. Shirkan ayaa Trump doonayay inuu uga faa’iideysto mideynta hoggaamiyeyaasha xisbiga iyo xoojinta taageerada Jamhuuriga ka hor doorashada November.
Doorashada dhexe ayaa muhiim u ah Trump, maadaama natiijadeedu saameyn ku yeelan karto awoodda Jamhuuriga ee labada aqal ee Congress-ka iyo awoodda maamulka uu ku meelmarin karo siyaasadaha uu doonayo.
Dhanka kale, sahanno kala duwan ayaa muujinaya in taageerada Trump ay cadaadis wajahdo, iyadoo dagaalka Iran iyo saameyntiisa dhaqaale ay noqdeen arrimo si weyn uga dhex muuqda doodaha siyaasadeed ee Mareykanka. Arrintan ayaa sidoo kale abuurtay kala aragti duwanaansho gudaha xisbiga Jamhuuriga, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ay su’aalo ka keenayaan muddada iyo kharashka dagaalka.
Trump ayaa isku dayaya inuu muujiyo in dagaalku aanu noqon doonin mid muddo dheer socda, balse hadalkiisa ah in uu dhammaan karo wax yar kadib doorashada November ayaa sare u qaaday su’aalaha ku saabsan qorshaha maamulka ee Iran iyo sida uu dagaalka ugu xiriirinayo xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaalaha gudaha Mareykanka.

