Taariikhda Bariga Dhexe: Waa gobol Noocee ah?

Share

Bariga Dhexe waa gobol istaraatiiji ah oo ku yaalla jasiiradda Carbeed iyo dalal kale oo ku xeeran. Waa meel ay ku kulmaan dhaqammo, diimo iyo dano caalami ah. Juquraafi ahaan, waxaa ka mid ah dalalka Bahrain, Iraq, Iran, Syria, Turkey, Qatar, UAE, Saudi Arabia, Jordan, Egypt, Oman, Palestine, Kuwait, Lebanon iyo Yemen, iyo sidoo kale dhulalka ay maamusho Israel.

Magaca “Bariga Dhexe” ama “Middle East” waa eray qalaad oo aan ka imaan dadka deegaanka. Asalkiisu waa luqadda Ingiriisiga, waana eray juquraafi-siyaasadeed oo ay sameeyeen reer Galbeedku, gaar ahaan Ingiriiska. Isticmaalka magaca “Middle East” wuxuu si rasmi ah u bilaabmay horraantii qarnigii 20-aad.

Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu istaraatiijisan, isla markaana leh taariikhda ugu dheer dunida. Waa halka ay ka abuurmeen ilbaxnimooyinkii ugu horreeyay ee aadanaha, sida ilbaxnimadii Akkadian ee ka hanaqaadday Iraq. Ilbaxnimadan waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee dadka ku dhiirrigeliyay deegaamaynta magaalooyinka, qorista, nidaam dowladeed iyo horumarinta waraabka beeraha.

Why Is The Middle East Called The Middle East? - Commisceo Global

Ilbaxnimooyin kale oo ka hanaqaaday Bariga Dhexe waxaa ka mid ah ilbaxnimadii Phoenicia oo ka jirtay dhulka maanta loo yaqaan Lebanon iyo qaybo ka mid ah Syria iyo dhulka ay maamusho Israel. Sidoo kale waxaa jiray boqortooyadii Persian Empire, Masaaridii hore ee Faraaciinta, iyo ilbaxnimadii Nabataean oo ka jirtay waqooyiga Jordan, koonfurta Syria, galbeedka Saudi Arabia iyo qaybo ka mid ah Palestine. Raadadka ilbaxnimadaas waxaa ka mid ah magaalada Petra ee ku taalla Jordan, taas oo maanta ka mid ah toddobada mucjiso ee adduunka.

Awoodihii soo maray Bariga Dhexe waxaa ka mid ahaa Giriiggii hore oo uu hoggaaminayay Alexander the Great, boqortooyadii Roomaanka, khilaafadii Islaamka, Mangoolkii, iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Bariga Dhexe waa goob ay ka abuurmeen diimaha Islaamka, Kiristaanka iyo Yuhuudda. Saddexduba waxay si weyn u qiimeeyaan magaalada Qudus (Jerusalem).

Muslimiinta, Qudus waa magaalada saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, kadib Maka iyo Madiina. Halkaas waxaa ku yaalla Masjidka Al-Aqsa, oo ah masjidka saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, isla markaana ah halkii laga dheelmiyay Nabi Muxammad (NNKH) iyo qibladii ugu horreysay ee Muslimiinta.

Jerusalem - Location, Capital & Israel | HISTORY

Kiristaanku waxay aaminsan yihiin in Nabi Ciise lagu dilay, lagu iskutallaabay, laguna aasay Qudus, sidaas darteedna waxay siiyaan muhiimad gaar ah.

Yuhuuddu iyaguna waxay u arkaan Qudus magaalada ugu barakaysan. Waxay aaminsan yihiin in Nabi Suleymaan halkaas ka dhisay macbad weyn oo cibaado, kaas oo la burburiyay qarnigii 6-aad ee ka horreeyay miilaadiga. Haraadiga macbadkaas ayay u arkaan waxa maanta loo yaqaan Western Wall, oo ah goobta ugu barakaysan ee ay si toos ah ugu tukadaan.

Qudus waa magaalo si weyn u saameysa aragtida balaayiin qof oo Muslimiin, Kiristaan iyo Yuhuud ah oo ku nool dunida.

Tirada guud ee dadka ku nool Bariga Dhexe waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 470 milyan. Qiyaastii 90% dadkaas waa Muslimiin, kuwaas oo 80% Sunni ah halka 20% ay Shiico yihiin. Shiicadu waxay ku badan yihiin Iran, Iraq, Lebanon, Yemen iyo Bahrain.

Kiristaanku waxay ka yihiin qiyaastii 5%, waxaana laga helaa Lebanon, Egypt, Syria, Iraq, Turkey iyo tiro yar oo ku nool Iran. Marka la eego gobolka, dalka ay Kiristaanku ugu badan yihiin waa Egypt.

Yuhuudda waxaa lagu qiyaasaa qiyaastii 7 milyan, badankoodna waxay ku nool yihiin Israel.

On 73rd Independence Day, Israel's population hits 9.3 million – www.israelhayom.com

Waxaa qoray: Diplomacy Awil Suudi.

Read more

More To Read