Dowladda Somalia ayaa maanta oo Axad ah u dabaal-dageysa munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo la aas-aasay 12-kii Abriil sanadkii 1960.
Munaasabad ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ay isugu yimaadeen madax sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay xuskan, isaga oo la filayo in uu khudbad ka jeediyo munaasabadda, kuna bogaadiyo ciidamada doorka ay ka qaateen difaaca dalka iyo sugidda amniga.
Amniga caasimadda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada, si loo xaqiijiyo badqabka munaasabadda. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale kordhiyay howlgallada ay ka wadaan magaalada.
Inta lagu guda jiro xuska, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigaya dhoolatus milatari oo muujinaya awooddooda, qalabkooda iyo tababarka ay leeyihiin, taas oo qeyb ka ah xoojinta kalsoonida shacabka iyo muujinta diyaar garowga ciidamada.
Sanadkan, xuska 12-ka Abriil ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso dib-u-dhiska iyo casriyeynta ciidankeeda, si ay ula tacaasho caqabadaha amni ee weli ka jira dalka.
Munaasabaddan ayaa sidoo kale xambaarsan farriin ku saabsan midnimada, waddaniyadda iyo doorka muhiimka ah ee ciidamada qalabka sida ay ku leeyihiin ilaalinta madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

