Doorashadii Golaha La‑tashiga soo galootiga ee magaalada Wetzlar ee gobolka Hessen oo la qabtay 15‑ka Maarso 2026, ayaa waxaa si rasmi ah loogu doortay lix musharax oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Doorashadan waxaa lagu tartamay 17 kursi, waxaana rajadii iyo taageeradii bulshada lagu guuleystay.
Xubnaha laga soo doortay bulshada Soomaaliyeed ayaa kala ah: Ahmed Jama Bullale, Abdulkadir Mohammad Zabriye, Mawliid Suleyban Qabil, Hamse Abdillahi, Mohamedkhayr Ismail Ali iyo Abdisalam Abdulle
Xubnahani waxay hadda u fadhiisan doonaan kuraasta Golaha La‑tashiga Ajnebiga muddo shan sano ah. Golaha waxa uu ka shaqeeyaa arrimo muhiim u ah dadka ajnebiga ah ee ku nool Wetzlar, sida isdhexgalka bulshada, helitaanka shaqo, adeegyada bulshada, waxbarashada, iyo arrimaha caafimaadka.
Golaha La‑tashiga Ajnebiga waxaa la aasaasay si dadka aan jinsiyadda Jarmaliga ahayn ay cod ugala qayb qaataan go’aanada saameeya noloshooda, maadaama aysan xaq u lahayn cod toos ah doorashooyinka deegaanka. Golaha wuxuu talo ka siiya maamulka degmada arrimaha muhiimka ah ee ay la kulmaan dadka ajnebiga ah.
Doorashadan ayaa muhiimad gaar ah u leh bulshada ajnebiga ah ee Wetzlar, maadaama ay muujineyso sida bulshada Soomaaliyeed ay u kobcayso ka qaybgalka siyaasadda deegaanka. Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda dibadda ee ku nool gobolka Hessen ayaa ah mid sareysa, waxaana sii kordhaya dadaalka ay bulshooyin badan oo qurbajoog ahi ugu jiraan inay codkooda maqlaan oo ay u helaan matalaad siyaasadeed.
Bulshada Soomaaliyeed ee Jarmalka ayaa caan ku ah ka qaybqaadashada arrimaha bulshada iyo siyaasadda, gaar ahaan magaalooyinka ay ku badan yihiin, sida Berlin, Frankfurt, Kassel iyo Wetzlar. Ka mid noqoshada golayaasha ajnebiga iyo hay’adaha kale ee maamulka deegaanka waxay u tahay talaabo weyn oo loo qaaday sidii loo xoojin lahaa isdhexgalka bulshada, loo hormarin lahaa fursadaha shaqo iyo waxbarasho, isla markaana loo taageeri lahaa qurbajoogta Soomaaliyeed.
Musharaxiinta la doortay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay u adeegaan bulshada inteeda kale, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta nolosha dadka ku nool deegaanka. Doorashadani waxay tusaale u tahay sida ay bulshooyinka ajnebiga ahi uga qaybqaadan karaan siyaasadda iyo maamulka, iyadoo loo marayo hannaan dimuqraadi ah oo furan.

