Seychelles ayaa walaac xooggan ka muujisay kororka khataraha amni-badeedka ee ka jira Badweynta Hindiya, iyadoo si gaar ah uga digtay weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas iyo agagaarka Marinka Hormuz, iyo sidoo kale soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Seychelles, Major General Michael Rosette, ayaa sheegay in maraakiib lagu weeraray gantaallo iyo madaafiic ay muujinayaan nooc cusub oo khatar ah oo sii kordhinaya walaaca laga qabo badqabka maraakiibta ganacsiga iyo isu socodka badda.
Rosette ayaa sheegay in Seychelles ay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan Badda Cas iyo Marinka Hormuz, iyadoo walaac gaar ah ka qabta dib u soo nooleynta falalka burcad-badeedda ee ka dhanka ah maraakiibta ku safarta xeebaha Soomaaliya.
Seychelles ayaa guddoomiye ka ah Contact Group on Illicit Maritime Activities (CGIMA), oo ah madal caalami ah oo loogu talagalay iskaashiga iyo xog-wadaagga la xiriira dambiyada badda. Madashan oo markii hore diiradda saari jirtay burcad-badeedda Soomaaliya ayaa markii dambe loo ballaariyay wax ka qabashada falal kale oo sharci-darro ah oo ka dhaca badda.
Rosette ayaa sheegay in shan markab weli lagu hayo xeebaha Soomaaliya, isagoo sidoo kale xusay in markab dhawaan la sii daayay kadib markii madax-furasho lacageed oo badan laga bixiyay.
Seychelles ayaa sidoo kale sheegtay inay si dhow ula socoto tahriibinta maandooriyaha iyo dambiyada kale ee badda ee ka dhaca waqooyiga Badweynta Hindiya, iyadoo ciidamadeedu isu diyaarinayaan inay ka hortagaan haddii khatarahaasi ay kusoo dhowaadaan biyaha dalka.
Seychelles, oo ka kooban 115 jasiiradood, ayaa si weyn ugu tiirsan badda, gaar ahaan ganacsiga, kalluumeysiga, dalxiiska iyo isku socodka. Sidaas darteed, amniga marin-biyoodka ayaa muhiim u ah dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka.
Dalka Seychelles ayaa muddo dheer door muhiim ah ka qaatay dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaaliya. Intii u dhexeysay 2009 iyo 2013, Seychelles waxay maxkamadeysay tuhmanayaal burcad-badeed Soomaali ah oo ka badan waddan kasta oo kale oo gobolka ah.

