Ciidamada ammaanka ee Mogadishu ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha iyo daafaha degmada Dayniile, kadib markii ay heleen xog amni oo ay si wadajir ah uga qeyb qaateen shacabka caasimadda, taas oo muujineysay dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay.
Howlgalka oo dhacay xilli habeenimo ah, ku dhowaad 11:40 fiidnimo, ayaa lagu soo qabtay mooto lagu soo raray walxo qarxa, gaar ahaan ilaa shan hoobiye oo si xeeladeysan loogu dhex qariyay jawaano qudaar ah, si looga dhuunto indhaha ciidamada ammaanka. Sida ay sheegeen ilo la xiriira amniga, walxahan ayaa la rumeysan yahay in lagu talagalay in lagu fuliyo falal waxyeello u geysta shacabka iyo amniga guud ee caasimadda.
Intii uu howlgalka socday, ninka waday mootada ayaa isku dayay inuu qarxiyo mootada iyo walxihii saarnaa, markii uu dareemay in la qabanayo, balse ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas, iyagoo ka hor istaagay inuu geysto waxyeello, kuna guuleystay inay si nabad ah u qabtaan walxihii qarxa.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhashay xog hore loo hayay oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxo la tuhunsan yahay, taas oo keentay in si dhow loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ka jiray aagga, ugu dambeyntiina lagu guuleysto in la fashiliyo qorshahaas.
Sawirro la soo bandhigay ayaa muujinaya hoobiyeyaasha la qabtay iyo mootadii lagu siday, taas oo si cad u tilmaamaysa habka loo adeegsaday in walxaha qarxa loogu dhex qariyo alaab caadi ah, si ay uga gudbaan baaritaannada amniga.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka ku nool caasimadda doorkooda muhiimka ah ee bixinta xogaha amniga, iyagoo xusay in wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka ay tahay furaha lagu xaqiijin karo xasillooni waarta.
Ugu dambeyn, ciidamada ammaanka ayaa ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah falalka amni darrada, ayna habeen iyo maalin u taagan yihiin ilaalinta badqabka shacabka iyo ka hortagga qorshe kasta oo halis gelin kara amniga Mogadishu.



