Qoyska Kabtan lagu haysto gudaha Soomaaliya oo dalbanaya talaabo deg deg ah.

Share

Qoyska kabtanka markabka shidaalka ee Honour 25, Ashari Samadikun oo 33 jir ah kana soo jeeda degmada Pattallassang ee gobolka Gowa, Indonesia, ayaa dowladda Indonesia ka codsaday in si degdeg ah wax looga qabto kadib markii markabka ay afduubeen burcad-badeed Soomaaliyeed shan maalmood ka hor.

Ashari oo ahaa kabtanka markabka UAE laga leeyahay ee ku socday safar ka yimid Cumaan kuna wajahnaa Soomaaliya, ayaa la qafaashay 21-kii Abriil iyadoo markabku siday 16 shaqaale ah.

Hooyadiis Siti Aminah ayaa si weyn uga ooyday guriga qoyska ee Gowa, iyadoo sawirka wiilkeeda gacanta ku haysa, waxayna si qiiro leh uga codsatay dowladda Indonesia in ay badbaadiso wiilkeeda oo ay sheegtay inuu yahay tiirka qoyska.

Xaaskiisa Santi Sanaya ayaa sheegtay in markii ugu dambeysay ee ay la hadashay uu ahaa 21-kii Abriil, markaas oo uu farriin cod ah u soo diray isagoo sheegay in markabka la weeraray.

Qoyska ayaa sheegay in wada-hadallo ay socdaan u dhexeeya shirkadda markabka iyo burcadda, balse aan weli jirin natiijo rasmi ah oo la xaqiijiyay.

Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladda markabka ay tahay mid isbedbedel leh, isla markaana amniga shaqaalaha uu halis geli karo haddii xaaladdu sii xumaato.

17-ka shaqaale ee la haysto waxaa ku jira 4 muwaadin Indonesian ah, kuwaas oo kala ah Ashari Samadikun, Adi Faizal oo ka yimid Bulukumba, Wahudinanto oo ka yimid Pemalang, iyo Fiki Mutakin oo ka yimid Bogor.

Qoysaska ayaa weli ku adkeysanaya baaqooda ku aaddan in dowladda Indonesia ay si degdeg ah u farageliso si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha markabka.

Read more

More To Read