Qatar: Shaqaale Turki iyo Qatari ah oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Share

Hal askari oo Turki ah iyo laba shaqaale oo ka tirsan shirkadda difaaca Turkiga ee Aselsan ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Qatar, sida maanta oo Axad ah ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Turkiga. Wasaaraddu waxay sheegtay in diyaaradu u burburay cilad farsamo oo dhacday xilli uu ku jiray duulimaad tababar.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa sidoo kale lagu sheegay in afar askari oo u dhashay Qatar ay iyaguna ku dhinteen shilkaasi. Waxaa intaas lagu daray in mas’uuliyiinta Qatar ay sameyn doonaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta dhabta ah ee keentay burburka diyaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Qatar ayaa Axaddii sheegtay in la helay meydadka lix ka mid ah toddobadii qof ee la la’aa kadib shilka ka dhacay biyaha dalkaasi. Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgallada raadinta iyo badbaadinta ee socday ay suurtageliyeen in la helo lixdii qof ee saarnaa diyaaradda, iyadoo la xaqiijiyay geeridooda.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in kooxo khaas ah ay weli wadaan dadaallo xooggan oo lagu baadi goobayo qofka kaliya ee wali maqan.

Wasaaraddu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta shilka ama aqoonsiga dadka saarnaa diyaaradda.

Hore Axaddii, Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa sheegtay in helikobtar uu la kulmay “cilad farsamo” intii uu ku jiray howlgal caadi ah, taasoo sababtay inuu ku dhaco biyaha gobolka.

Ilaa hadda lama hayo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sababta shilka, marka laga reebo ciladda farsamo, sidoo kalena ma jirto wax muujinaya in shilku uu ka dhashay weerar ama fal cadawtinimo.

Shilkan ayaa dhacay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka. Qatar ayaa wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo la sheegay inay ka yimaadeen Iran, tan iyo markii ay billowdeen weerarro wadajir ah oo ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo. Magaalada warshadaha ee Ras Laffan, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee soo saara gaaska LNG ee caalamka, ayaa dhowr jeer la beegsaday.

Read more

More To Read