Puntland oo dhaliin u jeedisay DFS iyo xilli ay hadlo kulul hawada isku mariyeen.

Share

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale cirka isku shareertay, iyadoo hadallo kulul iyo eedeymo is-daba joog ah ay muujinayaan heerka ay gaartay kala aragti duwanaanshaha ku saabsan jihada doorashooyinka iyo xaaladda amniga dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali, oo khudbad u jeediyay shacabka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ayaa si adag u weeraray dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay taageerada Puntland, isla markaana ay door ka qaadaneyso xaalado amni darro abuuri kara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland aysan sii sugi karin wax aan ka imaaneyn dowladda dhexe, islamarkaana ay waajib ku tahay inay ka tashato masiirkeeda siyaasadeed iyo amni.

“Meel aan waxba naga soo gaarayn, ma sii sugi karno. Waa inaan ka tashannaa masiirkeenna,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in Puntland ay horey uga soo gudubtay marxalado adag oo u baahday go’aanno culus iyo is-difaac.

Dhanka kale, xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib hadallo ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo si cad ugu baaqay ciidamada dowladda inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka hor timaadda qorshaha doorasho ee dowladda federaalka. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay in aan la aqbali karin wax hanjabaad ah oo ku saabsan kala go’ ama wiiqidda midnimada dalka.

Hadalkaas ayaa si degdeg ah uga falcelin adag kala kulmay Madaxtooyada Puntland, iyadoo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Cabdifataax Maxamed Nuur, uu ku tilmaamay mid halis ku ah xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo u oggolaanaya in ciidamada loo adeegsado cadaadis siyaasadeed, isagoo ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo hurin karta colaado hor leh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar ku bixiyay in ciidamada maamulka la geliyo heegan buuxa, isagoo faray saraakiisha inay diyaar u noqdaan difaaca deegaannada Puntland haddii xaaladdu kasii darto.

Dhanka kale, tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid tahay muujinta awood ciidan oo ka dhacday magaalada Baydhaba, ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhac toos ah oo dhex mara dhinacyada. Arrintan ayaa si gaar ah u soo jiidatay indhaha maamul-goboleedyada kale, kuwaas oo si dhow ula socda isbeddellada socda.

Guud ahaan, hadallada is-dhaafsan iyo dhaq-dhaqaaqyada militari waxay muujinayaan marxalad xasaasi ah oo Soomaaliya ku jirto, iyadoo loo baahan yahay dadaallo degdeg ah oo lagu dejinayo xaaladda, laguna xoojinayo wadahadal siyaasadeed iyo is-afgarad si looga hortago xiisad sii ballaarata oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka dalka.

Read more

More To Read