Midowga Yurub oo taageeray wada-hadalka Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka.

Share

Midowga Yurub ayaa si diirran u soo dhaweeyay casuumaadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay Golaha Mustaqbalka, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka madaxtooyada.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu rajo weyn ka qabo in casuumaadda madaxweynaha ay hesho jawaab wax ku ool ah, taas oo horseedi karta is afgarad siyaasadeed oo xal u noqda xaaladda cakiran.

“Anagoo eegayna danta guud ee dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajeynaynaa jawaab wanaagsan iyo in la isku raaco waddo siyaasadeed oo wax dhiseysa, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka,” ayay Safiir Di Mauro ku qortay barta X.

Waxay intaas ku dartay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay taageeridda dadaallada ay Soomaalidu ku xallinayso khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

“Midowga Yurub wuxuu garab istaagayaa dadaal kasta oo Soomaalidu ku gaareyso is afgarad qaran,” ayay raacisay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sabtidii shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay Golaha Mustaqbalka kulan wadatashi qaran ah oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka May 2026.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in casuumaaddan ay ka dambeysay wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo jawi wadahadal oo horseeda xal siyaasadeed.

Kulanka la qorsheeyay ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, dowlad-dhiska, xoojinta midnimada qaranka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in marxaladdan xasaasiga ah ay lama huraan tahay is qancin, isu tanaasul iyo wada-hadal miro dhal ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada.

Soo dhaweynta Midowga Yurub ayaa timid saacado kadib markii siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka ay soo saareen war-saxaafadeed culus oo ay ku sheegeen in aysan Madaxweyne Xasan Sheekh u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.

Mucaaradka ayaa ku dooday in muddada dastuuriga ah ee xilka madaxweynaha ay ku egyahay taariikhdaas, isla markaana wixii ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan “muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale.”

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen qorshe ay ku sheegeen iska caabin nabadeed, abaabul dadweyne iyo wadatashi qaran, si looga hortago waxa ay ku tilmaameen firaaq dastuur ah.

Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u diiday doorashooyin ay ku tilmaameen “magacaabis siyaasadeed”, iyagoo ku adkeystay in doorasho kasta oo heer federaal ah ay ku dhisnaato heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, hufnaan, kalsooni, amni sugan iyo awood farsamo oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, mucaaradku waxay dalbadeen in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo ay sheegeen inay muddo dhaaf yihiin.

Waxay sidoo kale ka digeen in hay’adaha amniga loo adeegsado dano siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in ciidamada qaranka laga ilaaliyo ku milanka khilaafaadka siyaasadeed.

Soo gelitaanka Midowga Yurub ee arrintan ayaa sare u qaadaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, iyadoo kulanka 10-ka May loo arko fursad muhiim ah oo lagu qaboojin karo xiisadda sii kordheysa ka hor waqtiga xasaasiga ah ee 15-ka May.

Read more

More To Read