Midowga Yurub ayaa ansixiyay xirmo dhaqaale oo dhan €75 milyan, taas oo loogu talagalay in lagu taageero howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, si loo xoojiyo awoodda ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.
Deeqdan cusub ayaa ka dhigeysa European Union deeq-bixiyaha ugu weyn ee howlgalka, iyadoo wadarta guud ee taageerada uu bixiyay howlgaladii Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007 ay gaartay ku dhawaad €2.8 bilyan. Lacagtan ayaa si gaar ah loogu bixin doonaa gunnooyinka ciidamada, qalabka aan halista ahayn iyo adeegyada muhiimka u ah howlgalka.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalahan cusub lagu ansixiyay hoos-imaadka Sanduuqa Nabadda ee Yurub, uuna door weyn ka qaadan doono xoojinta howlgalka iyo kordhinta awoodda ciidamada taageeraya dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in taageeradani ay gacan ka geysan doonto ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan deegaannada ay khataraha amni ka jiraan.
Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Midowga Afrika, Javier Niño Pérez, ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso fulinta ballanqaadyadii lagu gaaray shirkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee dhacay dabayaaqadii 2025. Wuxuu xusay in muhiim ay tahay in la xoojiyo howlgalada nabad ilaalinta ee ay hormuudka ka yihiin Afrikaanka, si loo sugo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Dhankiisa, Wakiilka Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa soo dhaweeyay deeqdan, isagoo ku tilmaamay mid muujineysa iskaashi dhab ah oo lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo dowlad wanaagga. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka, isagoo ku ammaanay doorka ay ka ciyaarayaan sugidda amniga Soomaaliya.
Taageeradan dhaqaale ayaa imaaneysa xilli ay jireen walaacyo xooggan oo ku saabsan sida loo sii maalgelinayo howlgalka AUSSOM, kaddib digniino ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo muujinayay farqi dhaqaale oo joogto ah. Mas’uuliyiinta Afrika ayaa si isdaba joog ah u sheegay in howlgalka uu u baahan yahay maalgelin waarta oo la saadaalin karo si looga fogaado carqalado amni.
Howlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u beddelay ATMIS 1-dii Janaayo 2025, kaddib oggolaansho ka yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana la qorsheeyay inuu socdo ilaa Diseembar 2026. Qeybta milateriga ee howlgalka ayaa ka kooban ilaa 12,600 askari, kuwaas oo ka shaqeynaya sugidda amniga magaalooyinka muhiimka ah iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya.
Waajibaadka howlgalka ayaa sidoo kale ka mid ah in si tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadaha soo socda, iyadoo qorshuhu yahay in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto amnigeeda marka la gaaro 2029.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha amni ayaa weli taagan. Inkasta oo horumar la sameeyay, Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya dhul ballaaran oo miyi ah, isla markaana awood u leh inay weerarro ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn. Tani waxay muujineysaa baahida joogtada ah ee taageero caalami ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.

