Madaxweynaha Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis xabbad-joojin saddex maalmood ah oo u dhexeeya Russia iyo Ukraine, taas oo dhaqan geli doonta inta u dhaxaysa 9-ka illaa 11-ka May.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay Truth Social ku sheegay inuu si toos ah u codsaday hakadkan dagaal, isagoo xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda socotay in ka badan 7 sano.
Madaxweynaha Volodymyr Zelenskyy ayaa xaqiijiyay heshiiska, halka Kremlin-ka uu sheegay in arrintan lagu gaaray wada-hadallo xiriir toos ah oo dhex maray Washington, Moscow iyo Kyiv.
Sida lagu heshiiyay, muddada saddexda maalmood ah waxaa si buuxda loo joojin doonaa dhammaan howlgallada militari ee labada dhinac.
Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in la fuliyo is-weydaarsi maxaabiis ah oo gaaraya 1,000 maxbuus oo dhinac kasta ah, taas oo loo arko tallaabo dhiseysa kalsooni dheeraad ah.
Trump ayaa sheegay in wada-hadallada nabadeed ay wali socdaan, isla markaana horumar muuqda laga sameeyay dedaallada xal u helidda colaaddan.
Wuxuu rajo ka muujiyay in xabbad-joojintan ay noqoto bilowga dhammaadka dagaalka muddada dheer dhiigga badan ku daatay.
Si kastaba, gobolka Donetsk ayaa weli ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiis nabadeed oo rasmi ah, maadaama labada dhinac ay isku mari la’yihiin cidda maamuli doonta dhulkaas.

