Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa si rasmi ah uga hadlay warar maalmihii u dambeeyay si weyn loogu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu hanjabtay xarig.
Qoraal uu soo saaray, Sanbaloolshe ayaa si cad u beeniyay jiritaanka hanjabaad noocaas ah, isaga oo sheegay in wararkaasi yihiin kuwo gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn.
“Si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay. Waxaan caddeynayaa in uu wax kama jiraan iyo been abuur yahay wararka meelaha qaar lagu soo qoray ee sheegaya in la ii hanjabay,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in faafinta wararka been abuurka ah ay tahay fal dambiyeed, isaga oo bulshada iyo warbaahinta ugu baaqay inay ka fogaadaan marin habaabinta iyo baahinta xog aan la hubin.
“Been abuurku waa dambi weyn, waana waajib in laga fogaado,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sanbaloolshe, oo muddo dheer kamid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmo kahor kasoo muuqday shirar ay mucaaradku ku diiddan yihiin qaar kamid ah qorshayaasha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.
Maalmihii lasoo dhaafay, wuxuu sidoo kale soo saaray qoraallo uu ku muujinayay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliilo u jeediyay dowladda uu horey uga tirsanaa.
Agaasimihii hore ee NISA ayaa xilligaas ka digay jihada ay xaaladdu u socoto, isaga oo tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed ee sii kordhaya ay halis ku yihiin xasilloonida dalka, haddii aan xal degdeg ah loo helin.

