Maxaa dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo odoyaasha dhaqanka?

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad casho-sharaf ah oo si heer sare ah loo agaasimay xalay ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Hoggaanka dhaqanka ee ka soo qeyb galay munaasabaddan ayaa isaga yimid guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, iyagoo si sharaf leh uga jawaabay casuumaadda Madaxweynaha, taas oo muujinaysa muhiimadda ay siinayaan wada shaqeynta qaran.

Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ka qaataan nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo xasilinta bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah u ammaanay doorkooda ku aaddan dowlad-dhiska, ilaalinta midnimada iyo isku duubnida ummadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaanka dhaqanka la wadaagay guulaha ay dowladdu ka gaartay dhinacyada amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo hirgelinta dimuquraadiyadda. Wuxuu tilmaamay horumarka la sameeyay ee ku aaddan dhismaha hay’adaha dowladda iyo daadejinta maamulka dalka.

Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyey in aan laga tanaasuli karin xaqa ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed, isagoo adkeeyey in tani ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada casriga ah.

Dhankooda, qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha casuumaadda iyo maamuuska uu siiyey, iyagoo ku bogaadiyey dadaallada iyo guulaha laga gaaray amniga, dagaalka Al-Shabaab, dimuquraadiyeynta iyo horumarinta nidaamka dowlad-dhiska.

Read more

More To Read