Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa inay ballaariso joogitaankeeda Puntland, iyadoo xafiiska ay ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddelayo xarun milatari oo laga fulin karo duqeymo iyo howlgallo kormeer ah, sida ay sheegtay Drop Site News.
Shan sarkaal oo amni ayaa sheegay in ciidamada AFRICOM ay hadda Boosaaso ka fuliyaan howlo sirdoon iyo isku-xir ah, balse qorshaha cusub uu awood u siin doono diyaaradaha Mareykanka inay si toos ah uga hawlgalaan garoonka.
CIA-da Mareykanka ayaa sidoo kale la filayaa inay ballaariso howlgalladeeda Puntland, iyadoo horey door uga qaadatay baarista xubnaha sare ee Daacish ee lagu qabto gobolka Bari.
Qorshahan ayaa yimid kaddib heshiis ay Puntland iyo Mareykanku gaareen 2-dii Agoosto, kaas oo lagu sheegay in la xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo amniga badda.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn oo loo maleynayo inay leeyihiin Mareykanka ay 3-dii September duqeymo ka fuliyeen buuraha Al-Miskaad, halkaas oo Daacish ay weli ku leedahay fariisimo.
Puntland ayaa tan iyo dabayaaqadii 2024 waday Howlgalka Hilaac ee ka dhanka ah Daacish, iyadoo taageero cirka ah ka heleysa Mareykanka.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, Boosaaso waxay noqon kartaa xarun muhiim u ah howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab iyo ilaalinta amniga Gacanka Cadmeed.
Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli uu khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyo Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan awoodaha dowladda dhexe ee arrimaha difaaca iyo xiriirka dibadda.

