Itoobiya iyo Dowladda Mareykanka ayaa maanta magaalada Washington, D.C. ku kala saxiixday heshiis cusub oo lagu magacaabo Bilateral Structured Dialogue (BSD) Framework, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha gobolka.
Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Itoobiya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, halka dhanka Mareykankana ay u saxiixday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda, T.H. Allison Hooker.
Bayaan kasoo baxay labada dhinac ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu saldhig u noqon doono wadahadal joogto ah oo qaabeysan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo ka shaqeynta arrimaha ay labada dal danaha ka wadaagaan.
Qaab-dhismeedkan cusub wuxuu xambaarsan yahay saddex qodob oo muhiim ah oo iskaashiga labada dal lagu horumarinayo.
Qodobka koowaad ayaa ah kobaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la xoojiyo xiriirka ganacsi, kor loo qaado maalgashiga, isla markaana la abuuro fursado dhaqaale oo cusub.
Qodobka labaad wuxuu quseeyaa iskaashiga difaaca iyo amniga, iyadoo heshiisku dhigayo in la sii adkeeyo wada-shaqeynta dhinaca amniga si loo ilaaliyo danaha labada dal, loogana wada shaqeeyo la dagaallanka khataraha amni ee gobolka.
Qodobka saddexaad ayaa la xiriira nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo labada dowladood ay isku raaceen inay sare u qaadaan wada-shaqeynta ku aaddan xal u helidda colaadaha gobolka iyo xoojinta nabadda Geeska Afrika.
Saxiixa heshiiskan ayaa imanaya xilli ay Itoobiya dadaal ugu jirto dib u dhiska xiriirkeeda caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye, halka Mareykankuna uu xoojinayo saameyntiisa diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka heshiiskan mid muujinaya marxalad cusub oo xiriirka Addis Ababa iyo Washington, xilli gobolka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo isa soo taraya.

