Maraykanka oo dalbanaya in Soomaaliya masuuliyadeeda qaadato.

Share

Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameynaya qaabka uu ula macaamilayo Soomaaliya, iyadoo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Muqdisho, Justin Davis, uu soo gabagabeynayo muddadii uu hoggaaminayay safaaradda. Davis ayaa xilka qabtay Janaayo 2026, isagoo horay u ahaa Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda.

Diblomaasiyiin Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay hadda xoogga saarayso iskaashi ku dhisan mas’uuliyad labada dhinac ah, iyadoo Soomaaliya laga doonayo inay iyadu hoggaamiso go’aannada ku saabsan mustaqbalkeeda.

Davis ayaa hore u sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, isla markaana Mareykanku uusan doonayn inuu Soomaaliya u go’aamiyo sida ay u dooranayso hoggaankeeda.

Mareykanka ayaa weli mudnaanta siinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iskaashiga amniga, la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo arrimaha socdaalka. Washington waxay sidoo kale walaac ka muujisay khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.

Diblomaasiyiinta ayaa aaminsan in khilaafaadka siyaasadeed uu saameyn ku yeelan karo dagaalka Al-Shabaab, iyagoo ku baaqaya in dhinacyada Soomaaliyeed ay wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed ka gaaraan khilaafaadkooda.

Dhanka kale, doorka Mareykanka ee siyaasadda Soomaaliya ayaa u muuqda inuu isbeddelayo, xilli Turkiga, Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta ay sii kordhinayaan xiriirkooda iyo saameyntooda Soomaaliya.

Fariinta ugu weyn ee Washington ayaa ah in Mareykanku uu sii ahaanayo saaxiib iyo taageere Soomaaliya, balse mas’uuliyadda ugu weyn ee mustaqbalka dalka ay saaran tahay Soomaalida laftooda.

Read more

More To Read