Madaxweyne Geelle oo markii 6aad ku guulaystay doorashada Jabuuti.

Share

Madaxweynaha Jabuuti, Ismail Omar Guelleh ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in uu guul weyn ka gaaray doorashada madaxtinimada ee dalka Djibouti, taas oo u xaqiijisay inuu markiisii lixaad oo xiriir ah hoggaanka sii hayo wadanka geeska Africa ku yaalla.

Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujiyay in Guelleh uu helay 97.8% codadka, isagoo si weyn uga adkaaday musharraxa keliya ee la tartamayay, Mohamed Farah Samatar, oo helay 2.2% oo keliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha oo 78 jir ah ayaa horey ugu dhawaaqay in “dib loo doortay” ka hor inta aan natiijada rasmiga ah la shaacin, kadib markii tirinta hordhaca ahi muujisay inuu hoggaanka si weyn ugu haayo codadka.

Guelleh ayaa xukunka hayay muddo 27 sano ah tan iyo markii uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Hassan Gouled Aptidon sanadkii 1999, wuxuuna caan ku yahay sida uu uga faa’iideeyay goobta istiraatiijiga ah ee dalka, isaga oo Djibouti u beddelay xarun militari iyo marin-badeed caalami ah.

Dalka oo cabbirkiisu yahay qiyaastii 23,000 km², waxaa ku sugan saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Faransiiska, Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga, kuwaas oo dalka u keenay dakhli, amni iyo saameyn siyaasadeed.

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu Guelleh ku guuleystay in ka badan 97% codadka, iyadoo mucaaradka badankiis ay qaadaceen. Inkastoo uu horay u sheegay inuu xilka ka degayo sanadkan, haddana wax-ka-beddel dastuur oo la sameeyay bishii November ayaa meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta, kaas oo ahaa 75 sano.

Intii doorashadu socotay, qaar ka mid ah goobaha codbixinta ayaa saacad dheeraad ah furnaa sababo la xiriira dib u dhac ku yimid furitaankooda, balse dad badan horey ayay u ogaayeen cidda guuleysan doonta.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Guelleh uu codkiisa ka dhiibtay xarunta City Hall isaga iyo xaaskiisa, halka Samatar uu isaguna horey u codeeyay.

Guelleh ayaa sheegay, “Ilaahay fadligiis waan soo gaarnay halkan, waxaana rajeyneynaa inay guul ku dhammaato.”

Ololihiisa doorasho ayaa si weyn uga muuqday caasimadda, isaga oo soo jiitay kumannaan taageerayaal ah, halka Samatar uu ku adkaaday inuu helo taageero ballaaran. Warbaahinta qaranka ayaa xustay in mid ka mid ah kulamadiisa ay kasoo qeybgaleen dad kooban.

Samatar waa hoggaamiyaha xisbiga Centre for Unified Democracy (CDU), oo aan wax kursi ah ku lahayn baarlamaanka.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa si cad u muujiyay taageeradooda madaxweynaha, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin barnaamijkiisa, halka qaar kalena ay sheegeen inaysanba aqoon musharraxa kale.

Si kastaba, dalka ayaa wajahaya caqabado ay ka mid yihiin shaqo la’aan baahsan oo gaaraysa ku dhowaad 70% dhalinyarada, iyo deyn badan oo dalka lagu leeyahay, gaar ahaan China.

Djibouti waxay ku taallaa marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, kaas oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee maraakiibta caalamka. Dhaqaalaha dalka ayaa si weyn ugu tiirsan dekedaha, oo ka dhaliya ilaa 70% wax-soo-saarka guud, iyadoo Ethiopia ay tahay dalka ugu weyn ee adeegsada dekedahaas.

Dhanka kale, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda inay cabburiso mucaaradka, waxaana sidoo kale jira dhaliilo sheegaya in madaxweynaha uu u janjeero beesha uu ka soo jeedo ee Ciise, halka laga tabanayo in beesha Cafar ay helaan xuquuq ka yar.

Read more

More To Read