Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, gaar ahaan qeybta gobolka Sool, ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye.
Howlgalkan ayaa noqday mid si dhow loo agaasimay, waxaana door muuqda ka qaatay shacabka deegaanka oo ka qeyb qaatay xog ururinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada eedeysanaha. Iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo laamaha ammaanka ayaa door weyn ka qaatay guusha howlgalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliska Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in, kadib dabagal dheer iyo xog ururin joogto ah oo lala kaashaday shacabka, lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo Farxaan Farax Shaciye, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal tahriibin iyo mukhallasnimo.
Eedeysanahan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu si nidaamsan u fududeyn jiray tahriibinta dhalinyarada ka imanaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, isaga oo adeegsanayay xeelado marin habaabin ah oo lagu qaldo waalidiinta iyo ehelada.
Habka uu u shaqeynayay ayaa ahaa mid ku dhisan khiyaano iyo been abuur. Waxaa la sheegay inuu diyaarin jiray muuqaallo lagu matalayo jirdil iyo tacaddi ka dhacaya xeebaha dalka Liibiya, gaar ahaan magaalada Bangaasi, si loo abuuro cabsi iyo degdeg ay waalidiintu lacag ugu diraan.
Muuqaalladan, oo lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo gudaha dalka lagu farsameeyay, ayaa loo adeegsan jiray in lagu qanciyo waalidiinta in carruurtooda ay ku sugan yihiin xaalad halis ah. Tani waxay keentay in laga qaado lacago badan oo lagu sheegay in lagu badbaadinayo.
Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan qaar ka mid ah dhalinyaradii la tahriibinayay, iyagoo soo bandhigay caddeymo lacageed oo muujinaya lacagihii laga qaaday dhibanayaasha, kuwaas oo loo marsiin jiray adeegyada lacag dirista.
Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana socda dhameystirka baaritaanka si loo horkeeno sharciga, loogana qaado tallaabo waafaqsan qawaaniinta dalka.

