Maamulka Jubaland ayaa si cad uga horyimid qorshaha ay Dowladda Faderaalka Soomaaliya ku dooneyso in doorasho uga qabato deegaanno ka tirsan maamulkaas, gaar ahaan gobolka Gedo, oo dhawaan lagu daray jadwal ay soo saareen guddiga doorashooyinka.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland, Mahmoud Sayid Aden, ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid aan la fahmi karin, isagoo su’aal ka keenay sababta dowladda federaalka ay u dooratay hal gobol oo ka tirsan Jubaland, halkii ay doorasho uga qaban lahayd dhammaan gobollada maamulka.
Wuxuu xusay in Jubaland ay leedahay dhowr gobol, isla markaana ay xaq u leedahay inay si madax-bannaan u maamusho howlaha doorashooyinka ee deegaankeeda, sida uu dhigayo nidaamka federaalka. Sidaas darteed, ayuu sheegay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay qaaddo dowladda dhexe ay abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo hor leh.
Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka digay in haddii dowladda federaalka ay ku adkeysato hirgelinta qorshahan, ay Jubaland qaadi doonto tallaabooyin ay ku difaacanayso maamulka iyo awooddiisa, taasoo muujineysa in xiisaddu ay u gudbi karto heer ka sii sarreeya hadal iyo isfahan la’aan.
Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ka socdaan dadaallo lagu hirgelinayo nidaamka doorasho qof iyo cod ah, iyadoo weli ay jiraan muranno u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada. Gobolka Gedo ayaa marar badan noqday meel xasaasi ah oo ay isku qabtaan dhinacyada siyaasadda, maadaama uu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah iyo saameyn siyaasadeed oo ballaaran.

