Geed Fadhi Kale ayaa Fahad u dhiman!

Share

Wareysiga Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka iyo saaxiibadey Geed-Fadhi wuxuu ahaa Wariye ay wareysanayaan Wariyeyaal, sidaa darteed isku Game iyo isku God ayaa lagu ciyaaraayey marka waa ay adkeed  in la isku dhuunto ama la isku hoggaansamo awoood ahaan iyo xirfad ahaan.

Fahad ayaa ku guuleystay inaan dareenkiisa la maamulin, laguna hoggaamin inuu sheego xog ka baxsan intii uu kusoo talo galay, taas badelkeedana isaga ayaa si xornimo badani ka muuqatay isku dhaqay oo iska dhaqay eedihii xukunka kasoo raacay, inkastoo weli aysan fari ka qodneyn oo ay waxbadan u daboolan yihiin.

Dhanka kale Fahad wuxu wareysiga uga faa’idaystay in uu jid nabadeed u furay dhinacyadii ay horay collaadda siyaasadeed uga dhaxaysay, sidoo kale wuxuu ku weeraray dhinacyada uusan rejo ka qabin iney heshiiyaan sida RW Rooble, Farmaajo iyo dowladda Jabuuti.

 Afeef

Intaas kadib, waxaan ka afeefanayaa qoraalkeyga qeybaha soo socda inaan loo qaadan inaan ka sheekeynayo wax sir ah ama sheeko gaar noo ahayd laakiin waxaan raacayaa hab dhaqan iyo jid Fahad uu furay  uuna ku aamananyahay kaas oo ah in siyaasadda iyo siyaasiyiinta waxyaabaha dhexmaray inta ay siyaasadaa ku jiraan iney tahay xuquuq dadweyn iyo masuuliyad la xariirta wacyiga iyo ogaalka bulshada, iyadoon qofna lagu durin, laguna qalloocin.

Sidaas darteed sida isaga laftiisu dhacdooyin iyo siyaasiyiin badan  usoo xigtay marar badan ayaan aniguna usoo xiganaya dhacdooyin iyo sheekooyin kooban oo ina dhexmaray.

Dooxa, March, 2024

Fahad waxaan si shakhsi ah isku baranay horrraantii 2024 mar uu Dooxa igu casuumay.

Kulankeena oo ku soo aaday bishii Ramadaan ee sanadkaas dhawr galab ayaan isla afurnay kuna gaarnay ilaa suxuur mararka qaar. Wixii intaas ka dambeeyey aad baan saaxiibnay, xogo badanna waan ka sheekeysannay.

Wareysiga markaan daawaday waxaa aad ii xiisa galiyey in Fahad arrimo badan oo uu dagaal iyo colaad iigu sheegay hadda nabad u badalay gaar ahaan doodaha la xariira Arrimaha ku wareegsan siyaasadda xilligii Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiinta kale.

Arrimaha Qaar markii iigu dambeysay Halkii uu ka taagnaa waxyar ayuu ka joogay halkiisi, Qaar kood waxbadan ayaa iska badalay sida inuu dadkii iyo dhacdooyinkii uu collaadda iigu sheegay hadda nabad ku sheegay, halka arrimaha qaar oo markaas doodihiisu u badnaayeen hadda uu ka gaabsaday! Dad cusub oo colaad iyo nabad ba leh waa soo kordhiyey.

 “Arrimaha markii isugu keen dambeysay uu dhammaantood colaad iyo balaayo ii sheegay laakiin hadda nabadda ku wajahay waxaa ka mid ah:-“

Arrimaha markii isugu keen dambeysay uu dhammaantood colaad iyo balaayo iigu sheegay laakiin hadda nabadda ku wajahay waxaa ka mid ah:-

1: Saadaq Joon, dowladda Jabuuti iyo Qoor-Qoor:

Wuxuu ii sheegay inta uusan Saadaq Joon kasoo horjeesan dowladdii Farmaajo, in asbuuc ka hor Qoor-Qoor looga yeeray Jabuuti kadibna uu kusoo noqday Xamar  isagoo Saadaq Joon u siday file loogu soo dhiibay. Kaas oo Saadaq ku qasbay inuu qaato go’aanka ah inuu dowladda Farmaajo kasoo horjeesto. Sidoo kale markaas Qoor-Qoor waxaa horay loogu soo sheegay inuu u ballan qaado Saadaq kursi Xildhibaannimo, haddii uu fuliyo howlgalka Farmaajo, haddii fulin waayana file ka loo soo dhiibay waxaa ku jirtay waxa dhici doona, taas oo uu Saadaq ka doortay inuu wajaho dowladdii Farmaajo. Waa sida Fahad ii sheegay.

2: Qoor-Qoor iyo Galmudug

Wuxuu ii sheegay inuu isaga (Fahad), Xasan Kheyre iyo Farmaajo si isku mid ah u qiyaamay, uguna abaal guday inuu ka iibsaday dhammaan kuraasta uu usoo saaray, maalinta doorashada Galmudug la gaarana si Public ah uga hadli doono. Wuxuuna ii ballan qaaday inuu Qoor-Qoor maalintaas ula soo bixin waji iyo cod uu ka shalaayi doono.

3: Xasan Cali Kheyre iyo fursadda Madaxweynenimadiisa:

Wuxuu ii sheegay in Xasan Kheyre yahay cadawgiisa koowaad, siyaasadda inta uu ku jirana uusan Madaxweyne noqon doonin. Tusaale wuxuu iigu soo qaatay in doorashadii 15 May 2022 habeenkii ololaha ee ka horreeyey subixii doorashada in Kheyre heystay fursad Madaxweynenimo jaanis 96% ah laakiin isagu uu ka kala daadiyey, intaan salaada subax la gaarinna uu fariin usoo faray Gallad oo la joogay isaga kana soo tagay sagaal saac oo habeenimo una sii socday Xasan Kheyre oo uu ku yiri

 “iga gaarsii farriin ah wixii ka horreeyey saacaddaan Madaxweyne ayuu ahaa laakiin salaad subax haddii la Tukado waxba gacantiisa kuma jiraan, Fahad ayaana u sabab ah ee u sheeg”, kadibna habeenkii dambe markii Xasan Sheikh guuleystay in Xasan Kheyre uu soo wacay oo ku yiri “maxaad sidaas u yeeshay?” asna uu ugu jawaabay “waxaan ku tusayey Qaniinyada saaxibtinimada xanuunkeeda”. 

Haddaba markaan wareysiga daawaday, ee aan arkay in si cad uu u sheegay in maalintii doorashada 15 May uusan rabin guul Farmaajo gaaro, anigana aan horay iskula qirnay ayaa waxaa hadda igu dhalatay Su’aal?

Su’aashu waxay tahay haddii maalintii 15 May Fahad uu san suganeyn guul Farmaajo muxuu habeen keedii Xasan Kheyre u ciqaabayey? Sidoo kale hadda waan arkaa Xasan Kheyre inaad u gacan haatineyso oo aad ka rajeyneyso hadduu mid kamid wareegyada doorashada ku haro in uu codka kula soo maro, ee Fahad Yasiin bal intaas siduu isku qabad siin doonaa?

W/Q: Mohamed Royal.

Read more

More To Read