Fursad u baahan taxadar: Doorashada jidka saxda ah ayaa go’aamin doonta mustaqbalka Soomaaliya.

Share

Waxaan ka mid ahay jiilkii ku soo hana qaaday burburka iyo dowlad la’aanta. Muddo dheer waxaan maqli jiray in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo badan, kuwaas oo ugu horreeyo shidaalka. Si kastaba ha ahaatee, aniga iyo jiilkayga, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, weli nasiib uma yeelan inaan aragno Soomaaliya oo si dhab ah uga faa’iideysanaysa kheyraadkeeda.

Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu jecel yahay inuu mar uun arko Soomaaliya oo aan ku noolayn wax laga soo tuugsado dunida inteeda kale, balse ku nool waxa ay iyadu leedahay oo ay si buuxda uga faa’iidaysato.

Si kastaba, waxaa jira waddamo badan oo shidaal leh, haddana faqri ba’an ka jira. Dhaqaalaha dalka oo idilna wuxuu ku uruuraa gacanta koox yar, halka inta badan shacabka ay ku nool yihiin saboolnimo.

Tusaale ahaan, dalka Nigeria ka hor intaan si ballaaran loo soo saarin shidaalka, heerka faqrigu wuxuu ahaa qiyaastii 15%. Balse qiimeynno dambe ayaa muujinaya inuu gaaray ku dhowaad 60%. Taasi waxay muujinaysaa in shidaalku noqon karo fursad iyo caqabad isla socda, haddii aan si sax ah loo maareyn.

Somali prime minister hails Türkiye's Cagri Bey mission as 'historic' - Türkiye Today

Sidoo kale, dalka South Sudan markii uu bilaabay soo saarista shidaalka ka hor xorriyaddii uu ka qaatay Sudan, heerka faqriga wuxuu ahaa qiyaastii 50%. Sannadkii 2016 wuxuu gaaray in ka badan 80%, halka tan iyo 2023 uusan marna hoos uga dhicin 64%.

Waxaan ka mid ahaa dad badan oo aaminsanaa in soo saarista shidaalka Soomaaliya ay u baahan tahay go’aan geesinimo leh, kal-adayg iyo ku-dhac. Sidaas darteed, waxaan bogaadinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaatay doorkaasi geesinimada leh.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa horyaalla laba imtixaan oo waaweyn:

Mid waa inaan noqonno waddamada aan kor ku soo xusay oo shidaalku xaaladdooda sii xumeeyay;
Midda kalena waa inaan noqono waddamada si wanaagsan uga faa’iideystay kheyraadkooda oo dhaqaalaha si hufan u maareeyay, sida waddamada Khaliijka.

Doorashada jidka saxda ah ayaa go’aamin doonta mustaqbalka Soomaaliya.

W/Q: Said Dirie

Read more

More To Read