Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sagootisay kumanaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo dirayo furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Hoose, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo khudbad u jeediyay ciidamada, ayaa ku boorriyay inay muujiyaan feejignaan, geesinimo iyo wadaniyad, isla markaana ay si buuxda ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.
“Waxaa idinka la sugayaa inaad soo afjartaan cabsida iyo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka. Waa waajib qaran in la xoreeyo dhulka wali gacantooda ku jira,” ayuu yiri taliyaha.
Howlgalkan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka ay ku dooneyso dib u soo celinta amniga iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan gobollada ay weli ka jiraan falalka amni darro.
Bilihii la soo dhaafay, Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka, gaar ahaan kuwa beesha Biimaal, ayaa guulo muuqda ka gaaray howlgallo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Marka. Ciidamada ayaa Al-Shabaab ka saaray dhowr tuulo oo istiraatiiji ah, oo ay ku jirto waddada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Marka, gaar ahaan dhanka xeebta.
Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in howlgalladan cusub ay noqon doonaan kuwo ka ballaaran kuwii hore, islamarkaana si toos ah loogu beegsan doono fariisimaha iyo marinada ay Al-Shabaab u adeegsato dhaqdhaqaaqyada ay ku carqaladeyneyso amniga.

