Digniin laga soo saaray amniga hawada Soomaaliya!

Share

Hay’adda European Union Aviation Safety Agency (EASA) ayaa kordhisay digniin ay hore uga bixisay duulimaadyada mara hawada Somalia, iyadoo sheegtay in khataraha amni ay weli yihiin kuwo sare.
War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in digniinta loo yaqaan Conflict Zone Information Bulletin ay sii jiri doonto ilaa 31 Oktoobar 2026, iyadoo aan wax isbeddel ah lagu sameyn qiimeynta khatarta saraysa ee hawada Soomaaliya.
Digniintan waxay si gaar ah u khuseysaa hawada Mogadishu FIR (HCSM), gaar ahaan duulimaadyada ka hooseeya 26,000 feet (FL260), halkaas oo khatarta lagu tilmaamay “heer sare.”
Mogadisho FIR waa guud ahaan hawada Soomaaliya maamusho ee bada iyo Bariga ah.
EASA ayaa sababaha digniintan u cusbooneysiisay ku sheegtay joogitaanka kooxo hubeysan oo haysta hub lid ku ah diyaaradaha, oo ay ku jiraan suurtagalnimada isticmaalka gantaallada garabka laga rido, iyo sidoo kale hawlgallo militari oo wali socda hawada Soo maaliya.
Hay’addu waxay kula talisay shirkadaha diyaaradaha, gaar ahaan kuwa hoos yimaada sharciyada Yurub, in ay ka fogaadaan duulimaadyada heerarka hoose ee hawada Soomaaliya, isla markaana si dhow ula socdaan wixii isbeddel ah ee ka dhaca xaaladda amniga.
Kordhinta digniintan ayaa mar kale muujineysa in inkastoo duulimaadyada caalamiga ah ay sii socdaan si joogta ah u isticmaalaan hawada Soomaaliya, haddana hawada hoose ee wadanka weli loo arko meel halis ah oo u baahan taxadar dheeraad ah.

Read more

More To Read