Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee uga qayb galay kulankii wadatashiga Jubbaland ayaa soo gabagabeeyay safarkoodii Kismaayo, badankoodna maanta ayay dib ugu soo Laabteen Muqdisho.
Xildhibaanadii uu wadatashiga ugu yeeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ku xayirnaa, ayaa maanta u safraya Garowe, iyagoo raacaya diyaaraddii keentay xildhibaanada Jubbaland.
Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii shalay la soo gabagabeeyay wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo caawa ay kulan afur ah ku yeelanayaan Villa Somalia Madaxweynaha iyo xildhibaanadii ansixiyay dastuurka.

