Cirro oo fariin adag u diray DFS, kuna baaqay wada-xiriir iyo derisnimo

Share

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa jeediyay khudbadiisii sanadlaha ahayd oo uu u gudbiyay Baarlamaanka Somaliland, isagoo ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed, xiriirka gobollada bariga, iyo mowqifka Somaliland ee ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda gobolka Sool iyo xiriirka ay la leeyihiin dadka ku nool Laascaanood. Wuxuu sheegay in ay wadaan dadaallo xiriir iyo wada-hadal ah oo ay la sameeyeen “walaalaha Laascaanood,” isaga oo muujiyay rajo ah in xal laga gaari doono khilaafaadka jira, si la mid ah sida uu tilmaamay in hawlaha gobolka Sanaag ay u socdaan.

“Sool iyo Sanaag waa deegaano aan sinnaba looga maarmi karin, waxaana naga go’an in xal waara laga gaaro,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada bulshada iyo xasilloonida gobolladaas.

Dhinaca kale, Cirro ayaa fariin culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay fahmaan halka ay Somaliland taagan tahay. Wuxuu sheegay in aysan jirin wax wada-hadal ah oo dib loogu noqonayo midnimadii hore, balse ay diyaar u yihiin oo kaliya xiriir ku dhisan derisnimo iyo is-ixtiraam.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Xamar inay ogaato inaan gaari karno meel aan dib looga soo noqon karin. Waxa keliya ee aanu diyaar u nahay waa inaan noqono deris walaalo ah,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adeegsaday hadallo suugaaneed si uu u muujiyo mowqifkiisa adag, isagoo yiri, “Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaan,” taas oo loo fasirtay fariin muujinaysa adkeysi siyaasadeed iyo in Somaliland aysan ka laaban doonin go’aankeeda.

Khudbaddan ayaa imanaysa xilli ay weli taagan yihiin murano siyaasadeed iyo amni oo u dhexeeya Somaliland iyo dowladda dhexe, gaar ahaan arrimaha gobollada Sool iyo Sanaag. Hadallada Cirro ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan doodaha ku saabsan mustaqbalka xiriirka labada dhinac iyo jihada siyaasadeed ee Somaliland.

Read more

More To Read