Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa saakay xirey waddada isku xirta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceel Dheere, kaddib markii ay ka gadoodeen mushaar la’aan soo jiitamaysay dhowr bilood.
Ciidankan oo loo yaqaan “Galeyr” ayaa door muuqda ka ciyaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab, iyagoo guulo ka gaaray howlgallo ka dhacay deegaanno badan oo Galmudug ka tirsan. Si kastaba ha ahaatee, cabashadooda ugu weyn ayaa ah in aysan helin xuquuqdooda dhaqaale, taas oo keentay in ay joojiyaan howlgalada caadiga ah isla markaana ay xiraan waddada muhiimka ah.
Wararka ka imaanaya goobta ayaa sheegaya in saraakiil iyo xildhibaano la isku beel yahay ciidamada gadoodsan ay ku howlan yihiin dejinta xiisadda, hase yeeshee weli lama gaarin heshiis rasmi ah oo lagu qanciyo ciidanka.
Xirnaanshaha waddadan ayaa si weyn u saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka u kala safra labada magaalo, iyadoo ganacsatada iyo shacabka ay muujiyeen walaac ku saabsan saameynta dhaqaale.
Haddii xaaladdu sii socoto, waxaa la filayaa in ay sii xumaato amniga guud iyo sahayda muhiimka ah ee deegaannada Galmudug, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa in gadoodkan uu dhiirrigeliyo cutubyo kale oo ciidan.
Saraakiisha maamulka ayaa ku howlan dadaallo lagu xallinayo xiisadda, iyagoo ballanqaaday in mushaharka ciidanka la bixiyo si degdeg ah.

