Aadan Madoobe oo maanta ku wajahan Baydhabo iyo qorshaha Villa Somalia.

Share

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la filayaa inuu Axadda maanta ah safar ku tago magaalada Baydhaba, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed kadib isbeddelladii waaweynaa ee dhawaan dhacay.

Safarka Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya iyadoo Villa Somalia ay waddo dadaallo siyaasadeed oo lagu qaabeynayo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalku galeen Baydhaba.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in Aadan Madoobe loo arko musharraxa ugu culus ee xilkaas, isla markaana ay jiraan taageero uu ka helayo Villa Somalia iyo siyaasiyiin deegaanka ka tirsan.

Tartanka siyaasadeed ayaa la sheegay inuu yahay mid aan si buuxda u furnayn, maadaama Baydhaba ay ku jirto marxalad kala-guur ah oo saameyn xooggan ay ku leedahay dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hore ugu magacaabay hoggaamiye ku-meel-gaar ah maamulka Koonfur Galbeed si uu u sii wado shaqada maamulka ilaa doorasho laga gaaro.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saameyn ku yeeshay tartanka, isla markaana uu xoojiyay qorshayaal lagu yareynayo tartamayaasha qaar.

Dhaqdhaqaaqyada Baydhaba iyo dib u dhaca ku yimid isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xasillinta siyaasadda Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa sidoo kale imaaneysa iyadoo la sugayo isbeddello dheeraad ah oo lagu sameeyo qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda federaalka.

Read more

More To Read