Aadan Madoobe oo amar duldhigay saraakiisha ciidanka gacanta ku haaya Baydhabo.

Share

Gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa kulan amni oo xasaasi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baidoa, saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee dhawaan qabsaday magaaladda Baydhabo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu xaqiijinayay amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta Mogadishu iyo Baydhabo, taas oo muddooyinkii dambe ay khatar ku hayeen maleeshiyaad lagu tilmaamay Khawaariij.

Saraakiisha ciidamada ayaa guddoomiyaha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlgal guuleystay oo lagu xaqiijiyay amniga waddadaas istiraatiijiga ah, iyagoo sidoo kale ka warbixiyay xaaladda guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ciidamada ku ammaanay dadaalkooda iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isaga oo xusay in guulaha laga gaaray howlgaladaasi ay door muhiim ah ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasiloonida dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta howlgalada amniga ee ka socda Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ciidamada kala duwan si loo ciribtiro khataraha amni ee jira.

Waxaa kulanka ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, ergay gaar ah oo u qaabilsan la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania.

Wararkan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, gaar ahaan waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo laf-dhabar u ah isu socodka bulshada iyo dhaqaalaha.

Read more

More To Read