Xasan Sheekh oo meesha ka saaray Cabsi laga qabay soo saarista Shidaalka.

Share

Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu soo dhoweynayay markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, taas oo astaan u ah bilowga wejiga cusub ee sahminta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si cad u beeniyay walaac laga muujinayay in shidaalku keeni karo khilaaf iyo kala qeybsanaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in kheyraadka dalka uu noqon doono mid mideeya shacabka, kana shaqeeya horumar guud oo loo dhan yahay.

“Kheyraadka dalkeenna, oo shidaalku ka mid yahay, ma noqon doono mid dadkeenna isku dira. Wuxuu noqon doonaa mid horseeda horumar, isla markaana xoojiya dowladnimadeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoosta ka xariiqay in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka si caddaalad iyo masuuliyad ku dheehan tahay loo maareyn doono, si loo xaqiijiyo in faa’iidadiisa ay gaarto dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan.

“Faa’iidada laga helo kheyraadkaasi waxay gaari doontaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Ma jiri doonto in koox gaar ah ay sheegato ama gaar u yeelato. Kheyraadka dabiiciga ah waa hanti qaran, wuxuuna ka dhexeeyaa shacabka oo dhan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siin doonto maareyn hufan oo ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan, si dakhliga ka soo baxa shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale, iyo xasillooni waarta.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si mideysan uga faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, si loo xaqiijiyo in horumarka ka dhasha kheyraadka shidaalka uu gaaro dhammaan bulshada, ugana qeyb qaato dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Read more

More To Read