Somalia oo isku diyaarinaysa soo dhawaynta markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey.

Share

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa soo gaaray biyaha Soomaaliya, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkey ee Anadolu Agency, iyadoo tani ay ka dhigan tahay bilowga wejiga koowaad ee qodista shidaalka badda dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa xaqiijisay in imaanshaha markabkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, isla markaana laga filayo inuu horseedo isbeddel dhaqaale.

Xaflad rasmi ah oo lagu soo dhoweynayo markabka ayaa lagu qaban doonaa dekedda Muqdisho maalinta Jimcaha, waxaana ka qayb galaya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib uga soo laabtay safarkiisii Baydhabo, iyo sidoo kale Wasiirka Tamarta ee Turkiga oo isna soo gaaraya Muqdisho.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa munaasabaddan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana furaysa fursado cusub oo dhaqaale.

Ka hor inta uusan markabku u dhaqaaqin goobta loo yaqaan Curad-1, oo qiyaastii 372 km u jirta xeebta Muqdisho, ayaa la filayaa in la qabto xafladda soo dhoweynta.

Hawlgalka qodista ayaa daba socda sahanno hore oo uu sameeyay markabka Oruc Reis, kaas oo baaritaanno ka sameeyay suurtagalnimada shidaal ee badda Soomaaliya.

Markabka Çağrı Bey ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilaabo howlaha qodista kadib xafladda, taasoo calaamad u ah marxalad cusub oo ku aaddan horumarinta kheyraadka shidaalka Soomaaliya.

Read more

More To Read