Sweden oo Soomaaliya ugu yaboohday dhaqaale shuruudo wata.

Share

Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday istaraatiijiyad cusub oo saddex sano ah oo ay ku taageereyso horumarinta Somalia, taas oo qiimaheedu gaarayo 630 milyan oo karoon, ku dhowaad $65 milyan.

Qorshahan oo socon doona muddada u dhaxeysa 2026 ilaa 2028, ayaa diiradda saaraya dhismaha hay’adaha dowladda, xoojinta u adkeysiga dhibaatooyinka sida abaaraha iyo masiibooyinka, iyo kobcinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo shaqo abuur, ganacsi iyo hal-abuur.

Wasiirka Iskaashiga Horumarinta iyo Ganacsiga Dibadda Benjamin Dousa ayaa sheegay in istaraatiijiyaddan ay tahay mid lagu taageerayo horumar waara oo Soomaaliya gaarto, isagoo xusay in ay muhiim tahay in la dhiso dowladnimo adag, la horumariyo dimuqraadiyadda, isla markaana la abuuro fursado dhaqaale oo dadka ka caawiya inay ka baxaan saboolnimada.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Sweden ayaa si cad u muujisay in qorshahan uu la xiriiro siyaasadda socdaalka, iyadoo doonaysa in gargaarka horumarinta si dhow loogu xiro arrimaha la xiriira xakameynta socdaalka sharci darrada ah iyo dib u celinta muhaajiriinta.

Hay’adaha Swedish International Development Cooperation Agency (Sida) iyo Folke Bernadotte Academy ayaa fulin doona barnaamijkan, iyagoo ka shaqeyn doona mashaariic la xiriira dowlad dhisid, nabad dhis iyo horumar dhaqaale.

Istaraatiijiyaddan cusub ayaa ka tarjumeysa isbeddel ballaaran oo ku yimid siyaasadda gargaarka Sweden, iyadoo hadda xoogga la saarayo isku xirnaanta horumarinta, ganacsiga iyo danaha siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan dhinaca socdaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada Christian Democrats iyo Liberals ayaa sheegay in iskaashigan uu ka caawin karo Soomaaliya inay xoojiso dhaqaalaha, yareyso saboolnimada, isla markaana abuurto fursado shaqo oo dhalinyarada ka leexiya tahriibka iyo xagjirnimada.

Guud ahaan, qorshahan cusub wuxuu muujinayaa in Sweden ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, balse ay si cad u dooneyso in iskaashigaasi noqdo mid isku dheeli tiran oo ka faa’iideeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maareynta socdaalka.

Read more

More To Read