Trump oo raadinaya fursad lagu soo afjaro dagaalka Iran.

Share

Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu “dhowaan” ka bixi doono dagaalka ka dhanka ah Iran, isagoo tilmaamay in howlgalka milatari uu soo afjarmi karo laba ilaa saddex toddobaad gudahood.

Trump waxa uu carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uu horey u gaaray inta badan yoolalkii istiraatiijiga ahaa ee la dejiyay ka hor bilaabashada duqeymaha cirka, kuwaas oo si wadajir ah ula fuliyeen Israel bishii hore. Wuxuu xusay in hadafka ugu weyn, oo ahaa in laga hortago in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah, la xaqiijiyay, isla markaana howlaha haray ay yihiin kuwo lagu “dhameystirayo guushaas.”

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu haatan si buuxda gacanta ugu hayo hawada Iiraan, taas oo uu ku tilmaamay guul milatari oo muhiim ah oo wax ka beddeshay jihada dagaalka. Waxa uu intaas ku daray in isbeddel muuqda uu ka dhacay hoggaanka Iiraan kadib markii la beegsaday lagana dilay xubno sare oo ka tirsanaa nidaamka siyaasadeed iyo kan milatari.

Marka laga hadlayo hoggaanka cusub ee Tehran, Trump wuxuu ku tilmaamay kuwo “ka xagjirnimo yar” isla markaana “ka caqli badan” kuwii ka horreeyay, isagoo muujiyay rajo ah in tani ay sahli karto xal siyaasadeed oo waara.

Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay haatan muujinayaan rabitaan ay ku doonayaan inay heshiis la galaan Maraykanka si loo soo afjaro colaadda, inkastoo Iran ay hore u beenisay arrintaas. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dagaalku xitaa dhammaan karo iyada oo aan la gaarin heshiis rasmi ah, haddii xaaladda militari ay sida hadda sii socoto.

Hadalladan ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday, iyadoo indhaha caalamku ay ku foogan yihiin sida uu dagaalkan u saameyn doono amniga gobolka iyo kan caalamkaba.

Read more

More To Read