Trump oo xoojiyay qorshihiisa beegsiga Soomaalida.

Share

Maamulka Donald Trump ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan inuu si ula kac ah u dedejinayo kiisaska socdaalka ee Soomaalida ku nool Mareykanka, si loo xaddido fursadooda dhegeysi caddaalad ah loona fududeeyo tarxiilkooda. Dacwad federaal ah oo laga gudbiyay Washington D.C. ayaa tilmaamaysa in tan iyo dabayaaqadii Janaayo, muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu daray liis gaar ah oo lagu soo hormarinayo fadhiyada maxkamadeed muddo aad u kooban gudaheed.

Qareeno iyo hay’ado xuquuqda aadanaha ah ayaa arrintan ku tilmaamay mid faquuq ah oo baalmarsan dastuurka, iyagoo maxkamadda ka dalbaday in si degdeg ah loo hakiyo. Tallaabadan ayaa si gaar ah u saameysay Soomaalida ku nool Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 80,000 oo qof, isla markaana ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada socdaalka ee ICE.

Sidoo kale, maamulka ayaa isku dayaya inuu joojiyo barnaamijka Temporary Protected Status ee ilaalinaya in ka badan 2,000 Soomaali ah, inkastoo garsoore federaal ahi hakiyay go’aankaas, dowladduna ay racfaan ka qaadatay. Qareenada ayaa sheegay in kiisaskii hore loogu qorsheeyay sanadaha 2026 ilaa 2028 hadda lagu soo koobay hal bil gudaheed, laguna aadiyay garsoorayaal leh heerar sare oo bixinta amarada tarxiilka.

Xogta laga helay Syracuse University ayaa muujinaysa in 3.3 milyan oo kiis oo socdaal ah ay weli sugayaan go’aan maxkamadeed, kuwaas oo ku dhowaad 3,200 ay khuseeyaan muwaadiniin Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa culayska iyo saamaynta ay siyaasaddan cusub ku yeelan karto bulshadaas.

Dacwoodayaasha ayaa sidoo kale ku doodaya in hadallada hore ee maamulka ay sii xoojinayaan eedeymaha ah in Soomaalida si gaar ah loo beegsanayo, halkii ay ka ahaan lahayd nidaam guud oo lagu maamulayo kiisaska socdaalka. Ilaa hadda, Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymahan la xiriira siyaasaddan cusub.

Read more

More To Read