Muxuu Axmed Macalin Fiqi uga aamusay arrinta Koofur Galbeed?

Share

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa dhowaanahan aan lagu arkin doodaha siyaasadda, gaar ahaan arrinta xilligan ka taagan Koonfur Galbeed. Haddaba maxay tahay sababta Fiqi ku kaliftay inuu ka gaabsado xiisadda siyaasadeed ee halkaas ka taagan?

Falanqeeyaasha Siyaasada ayaa aaminsan in ay jirto Sedaxdan arimood:
1.Ragga isku haya Koonfur Galbeed waxay kala tirsanayaan dulmi iyo tabashooyin, halka mucaaradka Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ay u arkaan in arrintan si gaar ah u quseyso iyaga.

2.Doodda Koonfur Galbeed waxay u badan tahay mid dhex taalla siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannadaas, halka Wasiir Fiqi uusan asal ahaan ka soo jeedin Koonfur Galbeed.

3.Waxaa jira warar ay faafiyeen kooxda Cabdicasiis Laftagareen oo la xiriira in beelaha Hawiye ay duulaan ku yihiin Koonfur Galbeed, taasoo laga yaabo in Fiqi uu ka fogaaday si uusan qayb uga noqon xiisad hor leh ama hadal hurin.

Read more

More To Read