Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa James Swan u magacaabay inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Magacaabistan cusub waxay ka dhigan tahay in Swan uu ka tagayo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo tan iyo bishii Maarso 2025 uu ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa howlgalka UNTMIS.

