Maalintii shalay oo ku beegnayd 1-da Juun 2026, shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashadii 7-aad ee guud ee Itoobiya. Doorashadan ayaa ahayd dhacdo siyaasadeed oo si weyn isha loogu wada hayay, maadaama Itoobiya ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, isla markaana door muhiim ah ku leh amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Geeska Afrika.
Sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE), in ka badan 50.5 milyan oo qof ayaa isu diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan. Muwaadiniinta ayaa dooranaya xubnaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Federaalka, kuwaas oo markooda soo dhisaya xukuumadda cusub isla markaana door ka qaadanaya jihada siyaasadeed ee dalkaasi sanadaha soo socda.
Doorashadu waxay ka dhacday inta badan maamul-goboleedyada Wadanka Itoobiyaha, oo kala ah:- magaalada caasimada ee Addis Ababa, Oromia, Gobolka Soomaalida, Sidama, Koonfurta Itoobiya, Bartamaha Itoobiya, Koonfur Galbeed Itoobiya, Benishangul-Gumuz, Gambella, Harari iyo Dire Dawa. Si kastaba ha ahaatee, codbixinta kama dhicin gobolka Tigray, halka qaybo ka mid ah Amhara iyo Oromia aysan doorashadu si buuxda uga qabsoomin sababo la xiriira xaalado amni, colaado hubeysan iyo caqabado farsamo oo ka dhashay deegaannadaas.
Doorashadan waxay ku soo beegantay xilli Itoobiya ay weli kasoo kabanayso saameyntii dagaalladii gudaha, khilaafaadkii siyaasadeed iyo caqabadihii dhaqaale ee dalka soo wajahay sanadihii la soo dhaafay. Sidaa darteed, codbixintu ma ahayn oo keliya hannaan dastuuri ah, balse waxay ahayd fursad lagu cabbirayo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda iyo rajada laga qabo mustaqbalka Itoobiya.
Xisbiga talada haya ee Prosperity Party, oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa ah kan ugu cadcad doorashada. Balse ay jiraan xisbiyo mucaarad ah oo tartanka ka qaybgalay, haddana xeeldheerayaal badan ayaa aaminsan in awoodda siyaasadeed, abaabulka xisbiga talada haya iyo kala qaybsanaanta mucaaradka ay sare u qaadeen fursadaha Dr Abiy Ahmed iyo xisbigiisa.
Khubarada arrimaha Geeska Afrika ayaa doorashadan ku qiimeeyay dhowr halbeeg oo muhiim u ah gobalka, sida heerka ka qaybgalka shacabka, hufnaanta geeddi-socodka doorashada, awoodda dowladda ee sugidda amniga, iyo sida natiijada doorashadu uga qayb qaadan karto xallinta khilaafaadka gudaha. Qaar badan oo ka mid ah falanqeeyayaasha oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha waxay ku doodeen in xasilloonida Itoobiya ay si toos ah ugu xiran tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay tahay awood siyaasadeed iyo dhaqaale oo gobolka udub-dhexaad u ah.
Marka laga fiirya aragtida gobolka, doorashadani waxay sii xoojinaysaa muuqaal siyaasadeed oo sannadihii u dambeeyay ka soo ifbaxayay Geeska Afrika, kaas oo ah in madaxda xilka haysa ay sii adkaysanayaan fursadahooda dib-u-doorasho. Madaxweyneyaasha dalalka gobolka qaarkood ayaa marar badan dib ugu soo laabtay talada, waxaana tusaale u ah madaxda Uganda iyo Jabuuti oo mar kale ku guuleystay inay sii hayaan hoggaanka dalalkooda isla bilowga sannadkan 2026.
Itoobiya gudaheeda, rajada laga qabo in Abiy Ahmed iyo xisbigiisa ay mar kale sii hayaan talada ayaa u muuqata mid aad u sarreysa marka loo eego duruufaha siyaasadeed ee hadda jira. Tani waxay ka dhigaysaa Itoobiya qayb ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee gobolka ee lagu arkayo hoggaamiyeyaal muddo dheer sii jooga ama dib loogu doorto xilalka ugu sarreeya ee dowladahooda.
Su’aasha xiisaha leh ee hadda taagan ayaa ah, haddii isbeddelkan uu sii socdo, maxaa laga filan karaa dalalka kale ee Geeska Afrika? Madaxda Soomaaliya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan ayaa iyaguna wajahaya xisaab siyaasadeed oo la xiriirta mustaqbalka hoggaankooda iyo rajada ay ka qabaan inay mar kale kasbadaan kalsoonida shacabka marka la gaaro doorashooyinka soo socda.
Doorashada Itoobiya kaliya ma ahan arrin gudaha Itoobiya quseysa, waa dhacdo si dhow uga tarjumaysa jihada siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo sida ay dalalka gobolka u wajahayaan su’aalaha ku saabsan dimuqraadiyadda, xasilloonida, iyo sii jiritaanka hoggaanka siyaasadeed.
Abdirashid Nur.
Communications & Media Specialist with 14+ years in government, regional orgs, and media across Somalia/East Africa. Skilled in strategic communication, media relations, and public engagement on climate and development. Email:- abdirshid.nur@gmail.com. Telphone:- 254799848341.

