Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee shirkadda Libert Petroleum, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta howlaha sahminta shidaalka badda Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee lagu bilaabayo howlgallada shidaal baarista.
Kulankan ayaa dhacay kahor Shirka Tamarta Afrika 2026, oo ah madal ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha waaxda tamarta, siyaasad dejiyeyaasha, maal-gashadayaasha iyo daneeyayaasha warshadaha tamarta ee qaaradda Afrika iyo caalamkaba.
Kadib kulanka, Wasiirka ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay inuu kulan wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud iyo kooxda farsamada ee Libert Petroleum, isagoo xusay in wada-hadalladoodu diiradda saareen waajibaadka shirkadda iyo qorshaha ku aaddan bilaabista howlaha shidaal baarista ee xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa tilmaamay in kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay diyaar-garowga howlgalka, awoodda farsamo ee shirkadda, iyo hubinta in dhammaan hawlaha la qorsheeyay ay waafaqsan yihiin xeerarka iyo nidaamka sharciyeed ee batroolka Soomaaliya.
“Wadahadalladeennu waxay diiradda saareen waajibaadka shirkadda iyo tallaabooyinka xiga ee lagu bilaabayo howlaha batroolka badda Soomaaliya, oo ay ku jiraan diyaar-garowga howlgalka iyo waafajinta nidaamka sharciyeed ee batroolka Soomaaliya,” ayuu wasiirku ku yiri qoraalkiisa.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ka go’an tahay abuurista jawi hufan oo dhiirrigeliya maalgashiga, isla markaana faa’iido wadaag ah u horseeda horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay kobcinta jawi hufan, saaxiibtinimo u leh maalgashadayaasha, isla markaana horseedaya horumar waara oo laga sameeyo kheyraadka shidaalka badda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dardar gelinayso dadaallada lagu horumarinayo khayraadkeeda shidaal, iyadoo dowladda ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay shirkadaha caalamiga ah ee daneynaya maalgashiga tamarta.
Horumarka laga sameeyo sahminta shidaalka badda Soomaaliya ayaa loo arkaa mid door weyn ka ciyaari kara kobaca dhaqaalaha dalka, haddii loo maareeyo si hufan, sharciyeysan, isla markaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

