Xafiiska KMG ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo la qorsheeyay inuu gogol u noqdo wada-hadal qaran oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ayaa lagu muujiyay taageero buuxda oo loo hayo dadaallada lagu doonayo in khilaafaadka siyaasadeed ee taagan lagu xalliyo wadahadal iyo is afgarad, halkii ay xaaladdu u leexan lahayd is mari waa iyo xiisad sii kororta.
Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay si daacadnimo leh, hufnaan ku dheehan tahay iyo niyad wanaag uga qeyb qaataan wada-hadallada, iyagoo mudnaanta koowaad siinaya danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybqaataan wada-hadallada, iyagoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad. UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahayo arrimaha taagan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan muranka ku saabsan doorashooyinka, muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaan siyaasadeedka mustaqbalka.
Martiqaadka Dowladda Federaalka ay u dirtay Golaha Mustaqbalka ayaa qeyb ka ah dadaallo socda oo lagu doonayo in la abuuro jawi siyaasadeed oo deggan, islamarkaana lagu helo wadatashi qaran oo horseeda xal waara.
Taageerada Qaramada Midoobey ayaa loo arkaa mid sare u qaadaysa cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in dhinacyada Soomaalida ay ka fogaadaan mowqifyada ad adag, isla markaana ay qaataan waddo wadahadal iyo isu tanaasul ku dhisan.
Beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobey, ayaa marar badan ku celcelisay in xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya ay saldhig u tahay horumarka dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo dib u kabashada dhaqaalaha dalka.

