Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo siyaasadeed oo culus oo la xiriirta hirgelinta dastuurka cusub ee dalka, taas oo si toos ah u saameyneysa xubnaha Golaha Wasiirrada ee sidoo kale ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Warar laga helayo ilo ku dhow dhow Golaha Wasiirrada ayaa sheegaya in xubno gaaraya afartaneeyo wasiir, kuwaas oo sidoo kale ah xildhibaanno, lagu wargeliyay inay kala doortaan sii haynta xilka wasiirnimo ama xubinnimada Baarlamaanka. Go’aankan ayaa salka ku haya qodobo ka mid ah dastuurka cusub ee aan oggolayn in hal qof isku mar hayo labada xil.
Qaar ka mid ah wasiirrada muhiimka ah ee dowladda, oo ay ku jiraan Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Tamarta, Qorshaynta, iyo Maaliyadda, ayaa si gaar ah loogu dhiirrigeliyay inay iska casilaan xildhibaannimada si ay u sii hayaan xilalkooda wasiirnimo. Halkaas, wasiirro kale oo u badan wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal loo bandhigay inay si cad u doortaan mid ka mid ah labada xil.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in inta badan mas’uuliyiinta ay u janjeereen inay sii haystaan xubinnimada Baarlamaanka, iyagoo ka walaacsan xasillooni darrada xilalka wasiirnimo, oo mar kasta la filan karo isku-shaandheyn iyo isbeddel siyaasadeed. Arrintan ayaa muujineysa kalsooni la’aan ka jirta joogteynta xilalka fulinta, gaar ahaan xilligan kala-guurka ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu doonayo in lagu dhaqan geliyo nidaam dowladeed oo waafaqsan dastuurka cusub, iyadoo sidoo kale la doonayo in la kala saaro awoodaha sharci-dejinta iyo fulinta si loo xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Si kastaba, go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho qaab-dhismeedka xukuumadda, iyadoo suuragal ay tahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo Golaha Wasiirrada, haddii xubno badan ay doortaan inay ka tanaasulaan xilalka fulinta.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Soomaaliya wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay socdaan dooddo la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo dhammaystirka hay’adaha dastuuriga ah, taas oo ka dhigeysa go’aankan mid si weyn u saameyn kara jihada siyaasadeed ee mustaqbalka dalka.

