Khatarta biyo la’aanta Khaleejka: Maxaa Dhici Kara Haddii La Weeraro Warshadaha Sifeynta?

Share

Wadamada Golaha Iskaashiga Khaleejka waa kuwa ku yaalla mandiqad oomane ah oo biyuhu aad ugu yar yihiin. 12 ka mid ah 17-ka dal ee adduunka ugu biyaha yar waxay ku yaallaan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, sida ay sheegtay hay’adda WRI. Sida guud, wadamada Carabta waa kuwa ugu saboolsan marka la eego biyaha macaan ee dabiiciga ah, iyagoo haysta ugu badnaan 2% biyaha macaan ee adduunka, halka dadka ku nool ay ka yihiin 6% dadweynaha caalamka.

Haddii aan dul istaagno wadamada Khaleejka ee Iran ugu hanjabtay inay burburin doonto warshadahooda biyaha sifeya haddii la weeraro korontadeeda.

Haddii Iran burburiso warshadaha biyaha sifeya ee Khaleejka iyo xitaa Israel, muxuu gobolku wajihi karaa? Iran ma gantaal kaliya ayay ku weerari kartaa mise habab kale ayay adeegsan kartaa?

Magaalooyinka waaweyn sida Dubai, Abu Dhabi, Doha, Kuwait City iyo Riyadh waa kuwo 90% ilaa 100% ku tiirsan biyaha la sifeeyo ee badda laga soo saaro. Inkastoo wadamada Khaleejku dhiseen haamo waaweyn oo kayd ah, haddana ma dabooli karaan baahida biyaha ee dadka xitaa muddo bil ah haddii warshadaha sifeyntu istaagaan.

Burburinta warshadaha biyaha sifeya ee Khaleejka waa cuuryaamin nololeed oo ka daran burburinta ceelasha saliidda, waana halbowlaha nolosha ee dalalka Khaleejka.

Sucuudiga ayaa ah dalka ugu weyn caalamka ee soo saara biyaha la sifeeyay, waana xudunta warshadaha sifeynta biyaha ee gobolka. Sucuudiga biyaha la sifeeyo wuxuu ku tiirsan yahay qiyaastii 70%, gaar ahaan marka la eego biyaha la cabo ee magaalooyinka, taas oo aad uga badan biyaha laga helo dhulka hoostiisa. Sifeynta biyaha waxay Sucuudiga ka bilaabatay qiyaastii 120 sano kahor, sanadkii 1907-dii ayaana markii ugu horreysay magaalada Jiddah lagu rakibay mashiin biyaha sifeya. Sucuudiga waxaa sidoo kale ku taalla warshadda ugu weyn ee biyaha sifeysa adduunka, taas oo maalintii soo saarta in ka badan 1 milyan m³.

Dalka ay Iran si gaar ah isha ugu hayso waa UAE, halkaas oo biyaha la cabo 100% ay ka yimaadaan warshadaha biyaha badda sifeya. Magaalooyinka waaweyn sida Dubai, Abu Dhabi iyo Sharjah dadka ku nool waa kuwo si buuxda ugu tiirsan biyaha la sifeeyo.

Qatar waa dal jasiirad ah oo saxaro ah, 100% biyaha dadka ku nool cabaan waxay ka yimaadaan badda la sifeeyay. Mashruuca kaydka biyaha ee Qatar waa midka ugu weyn dunida, wuxuuna ka kooban yahay 10 haamood oo waaweyn oo wada jir u keydin kara ilaa 3 bilyan gallon oo biyo ah.

Kuwait, Bahrain iyo Saldanadda Oman sidoo kale waxay si weyn ugu tiirsan yihiin biyaha badda la sifeeyo.

Wadamada Khaleejku waxay ku jiraan xilli kala guur ah oo dhanka biyaha ah, waxayna hiigsanayaan mustaqbal ay helaan biyo waara oo tamar yar ku baxdo isla markaana aan deegaanka waxyeello u geysan.

Warshadaha biyaha sifeya ee Khaleejka waxay adeegsadaan laba hab oo biyaha badda cusbada leh looga dhigo biyo nadiif ah oo la cabi karo:

  1. Multi-Stage Flash (MSF)
  2. Reverse Osmosis (RO)

Xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka waa khatar weyn oo soo wajahaysa warshadaha biyaha sifeynta. Haddii hal warshad oo ka mid ah la burburiyo, biyo la’aan weyn ayaa soo wajahaysa dadweynaha, maadaama kaydka biyuhu ku egyahay maalmo kooban.


W/Q: Diplomat Awil Suudi

Read more

More To Read