𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐃𝐚𝐚𝐫𝐨𝐨𝐝 𝐚𝐡 𝐦𝐢𝐲𝐚𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐁𝐚𝐝𝐚𝐥𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚?

Share

Dagaalkii Shabaabku intii uu socday ee Xasan Sheikh Dhuusamareeb joogay ayaan Nairobi kula kulmay Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre.
Wuxuu igu yiri maxaad igula talineysaa inaan sameeyo si aan doorashada soo socota ugu diyaar Garoobo?
Waxaan ku iri 3 arrin ayaan kugula talinayaa:-
1: Dagaalka Shabaab ka haka harin, waxaad leedahay xiriiro badan oo dibadda ah ee Fundraising samee, Xasan Sheikh Dhuusamareeb ugu tag oo adigoon cid kale asxaan ugu sameyneyn Xasan Sheikh la qeybso xoreynta dhulka Hawiye.
2; Doorashada soo socota siyaasiyiinta waxaa ka saameyn badnaan doona dhallinyarada jiilka labaad ee aan anigu ka mid ahay kuwaas oo hadda badan koodu Xasan Sheikh taageeray laakiin dedaalkooda la siyaasadeeyey oo aan si akhyaarnimo leh loogu abaal gudin dalkana looga faaiideyn ee dhallinyaradaas dowladda iyo dibaddaba ka caawi iney fursada ka helaan.
3: Team ka siyaasiyiinta ee hadda Xasan Sheikh dhisay ee Hawiyaha u badan waxaa ku jira qaar aad kasban karto ee haka daalin sida Odowaa, Saabir iyo Beene-Beene.
Waxaan u raaciyey Xasan Macallin, Sanbalooshe iyo Abshir Bukhaari iney ku cafinayaan uma maleynaayo ee ragga kale yeysan kaa duufsan. Mahad Salaad, Cabdirisisaaq iyo Cali Balcad inta Xasan Sheikh taaganyahay kama tagayaan.
Wuu iga ballan qaaday inuu shaqadaas gali doono laakiin ma uusan yeelin isaga iyo rag badan oo mucaaradka Hawiyaha u badan arrintaas waa seegtay.
Taas maanta waxay keentay in Xasan Sheikh markii la gaaray waqtigii heshiiska in uu Garoowe ka dalbado inuu la heshiiyo Saciid Deni, uuna diiday iney shirka kasoo qeyb galaan musharraxinta Hawiye marka laga reebo Sheikh Shariif oo beesha Caalamku ku hagoogatay.
Waxaan maqlay inuu yiri raggaan waa shaqaale ee ninka ay u shaqeeyaan halla igu yeero (Saciid Deni). Taas oo ah inuu shabad sumcadeed ku dhiftay ficil ahaana maanta dibad joog ka dhigay.
Sidoo kale waxay sawir kasii bixineysaa maalinta doorashada waxa uu la maaganyahay taas oo ka dhigan hadduu Calfan waayo in Xasan Sheikh go’aan ku gaaray inuusan qof Hawiye ah oo ka tirsan mucaaradka Xamar jooga inuusan badalin.
Sida caadiga ah madaxweynaha kursiga fadhiya waxaa gacantiisa ku jira laba Card mid waa kii uu guushiisa uga shaqeyn lahaa hadduu arko inuusan guuleysan karin kaarka labaad oo aan ka awood yareyn kaarka hore wuxuu ku sameeya madaxweynaha isaga badali doona. Ciddii xasuusata doorashadii hadda u dambeysay Farmaajo wuxuu meesha u fadhiyey inuu hubiyo Saciid Deni iyo Xasan Kheyre inaan midna fursad helin. “Haddaad i arki weydeen anna idin ma jeedo”
Musharraxiinta ku sugan Muqdisho iney maanta dibad joog ka yihiin doodda muhiimka ah ee la xariirta arrimaha doorashooyinka haddii ay fahmi karaan runtii waa Farriin ku filan.
W/Q: Mohamed Royal, Maareeyihii hore ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadwaynaha-DPA.

Read more

More To Read